RUWAANDA IYO DRC OO HESHIIS KU GAARAY ,ARAYKANKA.
(SAWIRKA)-MADADXDA SEDDEXDA DAL.
(WASHINGTON)-Hogaamiyayaasha Rwanda iyo DR Congo ayaa saxiixay heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo uu dhexdhexaadinayo Donald Trump. Heshiiska ayaa yimid ka dib wadahadalo adag oo bilo socday oo uu waday mid ka mid ah lataliyayaasha aadka ugu dhow Trump ee dhanka siyaasadda ahne ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika,Massad Boulos. Trump ayaa marti galiyay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha DR Congo Felix Tshisekedi saxiixa heshiis nabadeed oo taariikhi ah kaas oo looga dan leeyahay in lagu soo afjaro colaada tobanaan sano ka jirtay gobolka. Trump ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo xabbad joojin joogto ah, hubka laga dhigayo kooxaha hubeysan, awood u siinaya in ay soo laabtaan qaxootiga, iyo abuurista qaab cusub oo iskaashi dhaqaale. Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska nabadeed ee Rwanda iyo DRC ayaa waxaa ka mida: (1)-Labada dhinacba waxay xaqiijinayaan ixtiraamka midnimada dhuleed iyo xiriirka nabada. (2)-Dhammaan kooxaha hubaysan, oo ay ku jiraan DRC Wazalendo oo taageersan DRC iyo Rwanda M23, waa inay joojiyaan colaadda. (3)-Rwanda iyo DRC waa inay si deg deg ah u joojiyaan dhammaan taageerada dawladeed ee kooxahan hubaysan ee aan dawliga ahayn. (4)-Labada dawladood waxay la shaqayn doonaan saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si kor loogu qaado ammaanka iyo xasilloonida. Heshiisku wuxuu fududeynayaa soo noqoshada qaxootiga iyo barakacayaasha wuxuuna xoojinayaa gargaarka bini'aadantinimo. Taageeradu way sii socon doontaa MONUSCO iyo hababka kale ee nabad ilaalinta iyo xaqiijinta. Labada dal waxay balaadhin doonaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha ee muhiimka ah si loo sii qoto dheereeyo isdhexgalka. Wixii khilaaf ah ee ku saabsan hirgelinta waxa lagu xalin doonaa guddiga wadajirka ah ee la socodka. Saxiixa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madax ka kala socotay Kenya, Angola, Burundi, Togo, iyo Uganda. Kagame iyo Tshisekedi labaduba waxay ballan qaadeen inay ixtiraamayaan heshiiska.
XIGASHO-WAKAALAD.