FADEEXAD DHINACA SHARCIGA AH OO KA TAAGAN PUNTLAND.

(SAWIRKA)-G/SARE ADEN MUSE JAMAC.

(BOSASO/PL)-Taliyihii hore ee Waaxda Dembi-baarista Bari ee Boosaaso Gaashaanle Sare Aadan Muuse Jaamac, ayaa shalay ku eedeeyay Maxkamadda Sare ee Puntland inay ku xad-gudbiso hab-raac ciqaabeed. “Oktoober 2025 waxaa deegaanka Caluula ka dhacday dhacdo ay ku lug lahaayeen labo doonyood, taasoo sababtay dhimashada labo qof, 16 October 2025, xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland ayaa u magacaabay garsooraha dacwada, isla maalintaas ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare ee dawladda Puntland soo saaray awaamiir ah in kiiska loo wareejiyo Raascasayr,” ayuu yiri Aadan. Aadan ayaa sheegay in uu amar ka helay Taliyuhu Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire, kaas oo uu ku amray in uu ku wareejiyo Xeer ilaalinta guud ee Gobolka Raascasayr. "Waxaan ku dhaqmayaa habraac dambiyeedka la ii baray, balse hadda waxaa muuqata in lagu xad-gudbay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed," ayuu raaciyay. Qodobka 93-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland waxa uu dhigayaa in mid ka mid ah waajibaadka Maxkamadda Sare ee Puntland ay tahay “Xalinta Khilaafaadka Garsoorka ee ka dhex jira Maxkamadaha”. Faragelinta Maxkamada Sare iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa u muuqata mid sii fogaynaysa awooda Hay’adaha fulinta ee Garsoorka Puntland. Caluula waa degmo hoos timaada Bari oo ka tirsan nidaamkii gobolada Soomaaliya ka hor 1991-kii. Puntland ayaa markii dambe u qaybisay Bari si ay u abuurto gobollada Karkaar iyo Raascasayr, laakiin labada gobol midkoodna ma laha awood maamul oo la mid ah kan Bari. “Maamul u samaynta gobolada cusub waxay xadgudub ku ahayd axdigii Puntland ee 1998-kii, kaas oo lagu saleeyay 18-kii gobol ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay abuurtay dhibaatooyin aan loo baahnayn oo dhinaca garsoorka ah,” ayuu yiri qareen ku sugan Garoowe.

XIGASHO-PP.

Previous
Previous

RUWAANDA IYO DRC OO HESHIIS KU GAARAY ,ARAYKANKA.

Next
Next

EEDEYSANE HAASHIM OO MAANTA LA KEENAY MAXKAMADDA.