EEDEYSANE HAASHIM OO MAANTA LA KEENAY MAXKAMADDA.
(SAWIRKA)-EEDEYSANAE HAASHIM.
(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaayo in Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ey shalay si rasmi ah u bilowday dhageysiga dacwadda loo heysto Haashim Dagane, oo ah muwaadin Soomaali ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si naxariis-darra ah u dilay afar haween ah oo ku noolaa xaafadda Islii. Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in maxkamadda la horgeeyay muuqaallo ay duubeen kaamaradaha CCTV-ga, kuwaas oo muujinaya afduubka haweenka ka hor inta aan la dilin. Sarkaal ka tirsan waaxda DCI ayaa soo bandhigay caddeymaha muuqaalka ah ee baaritaanka ku jira. Kiisaska loo heysto eedeysanaha waxaa ka mid ah saddex dumar ah oo ka wada tirsanaa hal qoys, kuwaas oo la dilay bishii Oktoobar 2024, waxaana uu dilay Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud 12 jir ah. Qoyska ayaa sheegay in maydka hooyada qoyska laga helay deegaanka Machakos, oo 61 km u jirta Nairobi. Haweeneyda afaraad ee kiiska ku jirta waxay ahayd Deeqa Cabdinuur, oo iyadana la rumeysan yahay in lagu afduubay Islii, ka dibna loo geystay fal dil ah. Maxkamadda ayaa weli socota iyadoo la filayo in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah oo ku saabsan safarradii eedeysanaha, socdaalkiisa gudaha magaalada, iyo xiriirka uu la lahaa haweenka la dilay. Qareennada qoysaska dhibbanayaasha ayaa dalbaday in kiis walba si madax-bannaan loo baaro, maadaama falalku muujiyeen nidaam iyo qorshe horay loo dejiyay. Dhageysiga kiiska ayaa dib u bilaaban doona maalmaha soo socda, waxaana lasugayaa go’aanka maxkamadda ee ku saabsan caddeymaha la horkeenay.
XIGASHO-RISAALA.