QEYBTA BOOLISKA G/BANAADIR OO DIGNIIN ADAG SOO SAARTAY.
(SAWIRKA)-TALIYE MACALLIN MAHDI.
(MUQDISHO)-Taliyaha Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaan "Macalim Mahdi", ayaa digniin culus u diray Ciidamada Ammaanka, isagoo uga digay inaysan hubkooda ku wareejin shacabka, gaar ahaan dhalinyarada fiidyowyada ku faafiya baraha bulshada. Macalim Mahdi ayaa carabka ku adkeeyay in askari kasta oo ku kacay falkaas la horkeeni doono Maxkamad, isla markaana uu wajahayo cawaaqib sharci ah, Wuxuu sheegay in falalka noocaas ahi ey horseedi karaan amni xumo iyo mas’uuliyad darro. "Boolisku wuxuu si cad uga digayaa dhammaan saraakiisha iney hubkooda siiyaan shacabka, Sidoo kale, shacabka waa ka mamnuuc in ey helaan ama ku ciyaaraan hubka, Fiidyowyada khatarta ku ah amniga bulshada looma oggola in la duubo, Cid kasta oo lagu helo falkaas waxay la kulmi doontaa tallaabo sharci ah oo adag," ayuu yiri Mahdi. Digniintan ayaa timid ka dib markii Taliska Booliska Qeybta G/Banaadir ey xireen askari hubkiisa siiyay dhalinyaro ku sugnaa Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, kuwaasoo duubay fiidyowyo lagu faafiyay baraha bulshada, Dhacdadaas ayaa sidoo kale sababtay in la xiro muwaadin rayid ah. Hay’adaha ammaanka caasimadda ayaa toddobaadkan xiray dhalinyaro dhowr ah, iyagoo ku eedeeyay in ey wadeen falal khatar gelin kara Ammaanka Garoonka Muqdisho, Howlgalladan ayaa bilaabmay Jimcihii la soo dhaafay xilli ey socotay tartan kubadda cagta ah oo u dhexeeyay degmooyinka Gobolka Banaadir. Kulankii maanta ee degmooyinka G/banaadir ee tartanka K/cagta waxaa hal iyo Eber ku badiyey degmada Shibis waxa eyna kaga adkaatay kooxda K/cagta ee degmada B/Dheere.
XIGASHO-HOL.