MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY XAALADDA DALKA IYO ARRIMAHA DHULKA MUQDISHO.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.
(MUQDISHo)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faray laamaha Amniga in aan magaalada Muqdisho lagu dhex wadi karin Gaadiid ciidan oo aan ahayn kuwa Hay’adaha Amniga ee dowladda. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka iney carqaladeynayaan Amniga caasimadda, isaga oo xusay in Dowladda Federaalka ey dadaal badan gelisay sidii dib loogu soo celin lahaa Xasilloonida iyo Kalsoonida Shacabka ee magaalada Muqdisho. "Magaaladan amnigeeda waxaan uga shaqeynay si buuxda. Waxaa jirtay bil dhameystiran oo aan hal dhacdo oo amni darro ah laga soo sheegin. Sidaas darteed, ma aqbali doonno in qof walba uu magaalada ku dhex maro Gaadiid dagaal," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynuhu wuxuu si kulul u cambaareeyay falkii dhawaan ka dhacay Saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda ee G/Banaadir, isaga oo sheegay in haddii eysan Ciidamada Dowladda muujin lahayn is-xakameyn, ey suurtogal ahaan lahayd in meesha ey ka dhacdo musiibo weyn. Waxa uu ku eedeeyay Mucaaradka in eysan tixgelin dhibaatooyinka ka dhalan kara isku dhaca ciidamada iyo saameynta ey arrintaasi ku yeelan karto Maxaabiista ku xiran saldhiggaas oo dambiyo kala duwan u xiran, ayna ku jiraan kuwa Shabaab ah iyo qaar loo haysto dambiyo kufsi ah. Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu Madaxweynuhu ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada, isagoo kaga hadlayay xaaladaha uu dalku marayo. Madaxweyne Xasan Sheekh mar uu ka hadlaayey arrimaha dhulka ka taagan waxa uu sheegay in magaaladda Muqdisho eysan sii ahaaneyn OBOSIIBO aan cabirneyn,waayo ayuu yiri Alshabaab ayaa halkaasi gabaad ka dhigto,hayadaha Amniga iyo hayadah Gargaarka bixiya ee jooga caasimadda Muqdisho ma awoodaan iney galaan halkaasi,sidaas darteed,waxaa laga bixinayaa Wadooyin waa weyn si gurmad u galo,haddii ALshabaab galana looga daba tago.
XIGASHO-HOL.