QADAR OO SOOMAALIYA KA CAAWINEYSA XUQUUQUL INSAANKA.
(SAWIRKA)-WAFDIGA QADAR.
(GENEVA)-Wararka laga helaayo magaaladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegaayo in Dowladda Qatar ey shaaca ka qaaday muhiimadda ey leedahay in Soomaaliya laga taageero farsamo joogto ah loo baahan yahay si kor loogu qaado awoodaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, isla markaana awood u siinaysa in ey gudato waajibaadkeeda Qaran iyo tan caalamiga ah si waafaqsan qawaaniinta Caalamiga ah. Jassim Ibraahim AL-Malki, Xoghayaha Saddexaad ee Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa hadalkan ka sheegay intii lagu guda jiray kulanka Soomaaliya ey ku soo bandhigeysay tallaabooyinka ey u qaaday Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo ey ka mid aheyd dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. AL-Malki ayaa sheegay in Soomaaliya ey wajaheyso caqabado kala duwan oo saameeya xasiloonideeda iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo xusay in taasi ey u baahan tahay in beesha caalamka ey isku duubnaadaan, isla markaana ey gutaan mas’uuliyadda ka saaran taageeridda hannaanka Qaran ee arrimaha la xiriira Xuquuqul insaanka Soomaaliya. Xoghayaha Saddexaad ee Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa intaa ku daray in dhinaca beni'aadannimada, Soomaaliya ey xilligan sii wajaheyso saameynta abaarta, cunno yarida iyo barakaca gudaha, taas oo loo baahan yahay in la helo jawaab celin caalami ah oo isku dubaridan oo xiriirisa taageerada deg dega ah iyo istaraatiijiyado horumarineed oo kor u qaadaysa adkeysiga bulshooyinka isla markaana yareynaysa ku tiirsanaanta gargaarka deg degga ah. AL-Malki waxa uu xaqiijiyey in Dawladda Qatar ey sii wadi doonto bixinta taageerada beni’aadannimo, gargaarka iyo horumarinta, iyada oo la kaashanaysa iskaashi wax ku ool ah oo ey la yeelato Qaramada Midoobay, isaga oo xusay sida ey uga go’an tahay taageerada aan kala go’a lahayn ee ey ku taageerto Soomaaliya.
HALKAN KA AKHRISO QORAALKA QADAR.
ISHA-SNTV.