GOLE SIYAASADEED OO CUSUB OO LOOGA DHAWAAQAY NAYROOBI.

(SAWIRKA)-GOLE CUSUB.

(NAIROBI/KENYA)-Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntlnd Siciid C/laahi Deni waxa uu muddo seddex sano ah uu banaanka ka joogay doodaha xukun doonka ah ee dalka Soomaaliya,laakin bayaan maanta oo khamiis ah ka soo baxay kulan magaaladda caasilamadda ah ee Nayroobi ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Deni,Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka socday Mucaaradka hubeysan ee magaaladda Muqdisho amaba loo yaqaano Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaaso kala ahaa Ex.Reysal Wasaare Xasan Cali Khayre, Ex.Reysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame,ayaa ku fahamsiinaaya in Madaxweyne Siciid C/laahi Deni uu siyaasad ahaan dib u soo noolaaday oo uu doodaha xukunka qeyb kasoo noqday. Dhawr qodo ayaa ina fahansiinaaya soo noolaanshaha Siyaasadeed ee Deni gaar ahaan Ololihiisa Villa Soomaaliya,waxaane ka mid ah: (1)-Deni ayaa aad ugu fara adeeygay Axmed Madoobe inuusan kaligii la heshiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud,sababta uu ugu fara adeegay ayaa ah inuu Deni yeelan doonin macna weyn oo Siyaasadeed haddii Axmed Madoobe garabkiisa ka baxo uuna la heshiiyo Madaxweyne Xasan Sheekh,taaso sidoo kale bedeli karta habka fikirka Axmed Madoobe ee Doorashada heer Federaal xilli uu Deni rajeynaayo in Axmed Madoobe isaga dhisi doono mar kale. (2)-Waa in dagaalka la geliyo Mucaaradka hubeysan ee Muqdisho sideey sheegeen dad ku dhaw Deni iyo Axmed Madoobe,waxaane jirtay dood uu Deni miiska keenay tan iyo markii Mucaaradka hubeysan ey weerareen Sladhiga degmada Warta Nabada ee G/Banaadir,dooda Deni ayaa ahayd in Mucaaradka hubeysan ee jooga Muqdisho kuna heybta ah Madaxweyne Xasan Sheekh in lagu caawiyo Hub iyo dhaqaale waayo iyagaa ku filan iney gacan ula tagaan Madaxweyne Xasan Sheekh haddii ey taasi dhacdana uu kursiga si fudud xagooda ugu soo wareegi doono. Sida muuqata qodobkaas waa la isla qaatay oo Deni iyo Axmed madoobe waxay ogolaadeen iney isbahaysi la dhistaan Mucaaradka hubeysan ee magaaladda Muqdisho,kaaso hadda ka dib qaban doono shaqada gacan ka hadlak ah. (3)-Saameynta,Deni wax uu in mudda ah ku ekaa arrimaha Puntland halka mar ee uu soo hadal qaado arrimaha Federaalka waxa uu ku hadli kalmado sii dila rajadiisa Madaxtinimo Soomaaliya,laakin hadda shaqo Mucaaradnimo uu isagu gacanta kula jirin balse loo shaqeynaayo ayuu helay, oo Mucaaradka Muqdishia fadhiya ayaa shaqada qabanaaya Denina qoraalo iyo dhaqaale ayuu ku kaalmeyn doonaa. Arrintaan ayaa si xawli ah waxa ey u soo celineysaa Deni saameyntiisa,waxaa kalo qoraalka Nayroobi uu muujinayaa sida Deni uu u awoodo inuu 100% bedelo hab fikirka Axmed Madoobe,garoon siyaasadeedkaan cusub ee uu helay Deni waa Axmed Madoobe gorgortankiisa oo hadda ka dib ku lifaaqi doono Deni hala doono ama halala heshiiyo iyo Mucaaradka Muqdisho uu isticmaali doono iney awood ahaan u joojiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh. Dhinaca gorgortanka iyo Dhinaca Maarta Kulul labadaba Deni marka laga bilaabo maanta shaqo ayaa uga socon doonto,isaga oo aan hadlin gacane aan qaadin,laakin ma cada inuu aqoonsan doono marka labadaas la isu geeyo Madaxtinimo looga dhex dhallin karo. Mucaaradka hubeysan ee Muqdisho iyaguna waxay ka badbaadeen in meel cidla ah looga tago,weliba waxaa la dhihi karaa fursadooda Xasan sheekh ayaa sabab u ahaa oo haddii Xasan yeeli lahaa inuu hal mar la wada heshiiyo Deni iyo Axmed Madoobe cidna ma xasuusateen kooxda Hubeysan ee joogta Muqdisho,si kastaba ha ahaatee, natiijada shirkii Nayroobi ugu soo dhammaaday Axmed Madoobe, Deni iyo Mucaaradka Hubeysan ee Muqdisho waxa uu muujiyey sameynta iyo qorshaha Deni.

XIGASHO-ADUUNKA-TV.

Next
Next

WAFDI INGIRIIS AH KANA SOCDAY WAAXDA SOCDAALKA OO SOO GAARAY SOOMAALIYA.