HAYADDA CUNTADA ADDUUNKA(WFP) OO KA DIGTAY XAALADDA CUNTO EE SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-HOOYO SOOMAALIYEED.

(NAIROBI/KENYA)-Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya gaajo aad uga sii daraysa iyadoo dhimis weyn oo lagu bixin jiray deeqaha ey uga tagtay Barnaamijka Cunnada Adduunka iyadoo dhaqaale yari aad u daran ey jirto, Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ka digtay. Dalka Geeska Afrika waxa uu ka mid yahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay, shantii sannadood ee u dambeeyay waxa soo maray abaartii ugu xumayd ee afartan sannadood jirtay iyo daadad hal mar ah qarnigan. Bisha Nofembar, 750,000 oo qof in ka badan saddex meelood laba meel tirada hadda ayaa laga jari doonaa barnaamijka cuntada deg dega ah ee Hayadda WFP. Taasi waxay "ku tilmaami kartaa kuwa sida xun u saameeyay xaalado musiibo," ayey tiri Hay'addu. "Waxaan aragnaa koror khatar ah oo ah heerarka gaajada ee deg dega ah, awoodeena inaan wax ka qabanona way sii yaraanaysaa maalinba maalinta ka dambaysa," ayuu Ross Smith, Agaasimaha u diyaargarowga iyo jawaabta deg dega ah ee Hayadda WFP ku yiri bayaan. Hayadda WFP ayaa hogaamisa hawlgalka bini'aadantinimo ee ugu weyn Soomaaliya waxayna taageertaa in ka badan 90 boqolkiiba jawaabta sugnaanta cuntada ee dalka. "Heerka jawaabta hadda aad ayuu uga hooseeyaa waxa loo baahan yahay si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya," Smith ayaa yiri. Xogta ey dowladdu soo saartay bishii Agoosto ayaa muujineysa in 4.4 milyan oo qof ey soo food saartay cunto yari ba'an oo ka jirta dalka ey colaaduhu halakeeyeen. Iyada oo ilaa 1.7 milyan oo caruur ah oo ka yar shan sano ey horeba u haysay Nafaqo-xumo ba'an oo ey ku jiraan 466,000 oo xaalad halis ah ku sugan Hayadda WFP waxay sheegtay in 180,000 oo keliya ey hadda helayaan Daawaynta Nafaqeynta, tiradaas oo laga yaabo iney hoos u dhacdo. Joojinta kaalmada shisheeye ee Maraykanka iyo wadamada kale ee reer Galbeedka sanadkan ayaa sii xumeeyay dhibaatooyinka maalgelinta ee dalal badan oo soo koraya. Hay'adda samafalka ee Save the Children ee Ingiriiska ayaa bishii May ka digtay in dhaqaale yaraan ey ku qasbi doonto iney xirto in ka badan rubuc ka mid ah Xarumaha Caafimaadka iyo Nafaqada ee dalka Soomaaliya.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO MUQDISHO MAANTA KA FIRAY SHIRKA…

Next
Next

QEYBTA BOOLISKA G/BANAADIR OO DIGNIIN ADAG SOO SAARTAY.