MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO MUQDISHO MAANTA KA FIRAY SHIRKA…
(SAWIRKA)-SHIRKA MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka, kaasoo ku qabsoomay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ey diyaar u tahay in ey la jaanqaaddo dhaqaalaha caalamiga ah, dowladduna ey dadaal ku bixinayso sidii loo abuuri lahaa Jawi Nabad iyo Xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya Maalgashiga iyo Ganacsiga. “Soomaaliya waa dal hodan ku ah Kheyraad dabiici ah, Suuq Ganacsi oo kobcaya iyo bulsho dhalinyaro ah oo hal abuur ku tilmaaman. Waxaan doonaynaa inaan abuurno Jawi Nabad iyo Xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya Maalgashiga iyo Ganacsiga”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ey leedahay Iskaashiga Ganacsiga iyo Tiknoolajiyadda, isagoo xusay in Soomaaliya ey mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada iyo haweenka u sahli kara iney kaalin muuqata ka qaataan kobaca dhaqaalaha. “Ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah waa furaha mustaqbal barwaaqo leh. Soomaaliya waxa ey rabtaa in ey noqoto albaabka Ganacsi ee gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas". Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku ammaanay Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed doorka ey ka qaadanayaan dib u dhiska dalka, xoojinta iskaashiga iyo Ganacsiga.
ISHA-SNTV.