52-WADO OO KU YAALLO MUQDISHO OO DIB LOO FURAY MAANTA OO SABTI AH.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA DFS.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu maanta daah-furay qorshaha dib loogu furayo Waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 Waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo Amni. Raysall Wasaaraha, ayaa sheegay Qorshaha Furitaanka Waddooyinka caasimadda in uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey Amniga caasimadda, taasoo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka. “Duruuf adag ayaa keentay 15kii sano ee la soo dhaafay in la xiro waddooyinka caasimadda, mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid la xiro ee waa in lala dagaallamo Argagixisada oo la iska dhiciyo, maadaama eysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya”. Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ey dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga caasimadda, iyada oo la sameeyey shuruucdii ilaalinaysay, kana hortagaysay wax walba oo khatar ku ah, sida hubka waa-weyn iyo wax walba oo horseedaya Amni darro. Raysal Wasaaraha, oo u mahadceliyey guud ahaan Hey’adaha amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayaa xusay in Amnigu uu yahay mas’uuliyad wadareed ey tahay in cid walba ey doorkeeda ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa. Furitaanka Wadooyinka xirnaa muddo dheer ayaa waxa ka qeybgalay Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Mudan Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) iyo masuuliyiin kale uu ka mid yihii Taliyaha Nissa Md.Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Booliska Asad Diyaano,Taliyaha Booliska Qeybta G/Banaadir G/sare.Macallin Mahdi iyo Wasiirka Amniga Gudaha Xildhibaan C/laahi Fartaag.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

HAYADAHA AMMAANKA QARANKA OO SOO AFJARAY KHAWAARIJTA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO MUQDISHO MAANTA KA FIRAY SHIRKA…