HAYADAHA AMMAANKA QARANKA OO SOO AFJARAY KHAWAARIJTA.
(SAWIRKA)-ASTAANTA NISA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in kooxda Khawaarijta AL-Shabaab ey weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha Argagixisada. Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ey ku soo afjaraan weerarkii Argagixisada ey soo qaaday, eyna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood. Waxaa xusid mudan in Argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ey ku buufiyeen Midabka iyo Astaanta Ciidamada Amniga, islamarkaana ey xirnaayeen dharka u eg dharka ciidamada. Tani waxay u suurto galisay iney si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo Amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn Gaadiidka Ciidamada Qalabka Sida. Arrintan ayaa muujinaysa baahida deg dega ah ee loo qabo Hubinta iyo Xakamaynta Gaadiidka lagu rinjiyey Midabka Ciidamada ee Gudaha Caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo Xeerarka, Habraacyada iyo Go’aannada maamulka ee khuseeya Amniga Caasimadda Muqdisho iyo Xakameynta hubka. Weerarka Argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga Argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo. Sidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay Horjoogayaal waa-weyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay Ku-xigeenkii Madaxa Guud ee Amniyaadka kooxda AL-Shabaab, ahaana Madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha Qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax). Ugu dambeyn, waxaa la farayaa Hay’adaha Amniga in ey si buuxda u dhaqan geliyaan:
• Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)
• Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)
• Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)
Waxaa si gaar ah loo farayaa Hay’adaha Amniga in ey si adag u Xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo Gaadiidka Ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada Amniga ee ey ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii Argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad deg deg ah.
XIGASHO-SNTV.