KULANKII MAANTA EE KISMAAYO OO LA ISKU MARI WAAYEY.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO AXMED MADOOBE.

(KISMAAYO)-Wararka laga helaayo magaaladda Kismaayo ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xasan Sheekh Maxamud wafdi uu hoggaaminayo ey maanta oo Axad ah safar ku tageen magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ee maamulka Jubbaland. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku tagay Kismaayo ayaa la xariira dadaalo lagu doonayo in lagu xoojiyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Goboleedka Jubbaland oo dhowrkii sano ee ugu dambeeysay xiriirkoodu ahaa mid aad xun. Madaxweynaha ayaa Kismaayo kulamo fool ka fool ah kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), waxana la filaya in kulamadaan wax badan ka badali doonaan Khilaaf Siyaasadeedkii u dhaxeeyay Dowladda Fedaraalka iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland kaaso marar kala duwan sababay dagaalo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh. Qodobada labada dhinac ey diiradda ku saari doonaan kulamdooda ayaa la sheegaya iney ka mid yihiin In la joojiyo hadalada iyo ficilada dhalinaya xiisad siyaasadeed iyo kala fogaansho, islamarkaana lagu badelo wadahadal iyo wadashaqeyn cusub oo dhexmarta labada dhinac. Si kastaba ha ahaate safarka Kismaayo ee Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa loo arka mid muhiim ah, iyadoo la rumeysan yahay inuu xoojin doono xiriirka labada dhinac, ka dib sanado ey kusoo jireen khilaafaad Siyaasadeed iyo isfaham la’aan mudo soo jiitamasay. Ugu dambeyntii magaalada Kismaayo waxa saakay si diiran oo aan horay loo arag loogu soo dhaweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi lagu arkaya ciidamo aad u tira badan, xili galinkii dambe ee Shalay halkaasi ey dowladda Federaalka ey laba diyaaradood ku geysay ciidamo qeyb ka ah sugitaanka Amniga madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Dhinaca kale,wararka ayaa sheegaayo in kulankii maanta ee labada dhinaca la isku mari waayey wixii laga wada hadlay una badnaa wixii horay leyskugu heystay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu weli ku dhegan yahay hadafkiisii ahaa in Axmed Madoobe ka tanaasulo Madaxtinimada uu sheegtay kuna soo biiro Golaha Wadatashiga Qaranka si loo wada aado Doorasho Qof iyo Cod ah, halka Axmed Madoobe uu arrinkaasi ka biya diidsan yahay. Waxaane la balamay berri in dib la isugu soo laabtao si loo dhammaystiro wada hadaladda. Is hor fariisinta labadaan masuul ayaa la sheegay iney kasoo wada shaqeeyeen Dawladaha Imaaraatka Carabta, Kenya iyo Itoobiya bacdamaa ey galaangal ey ku leeyihiin siyaasadda dalka Soomaaliya.

XIGASHO-WAKAALADDO.

Previous
Previous

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO AMARO CULUS SOO SAARTAY.

Next
Next

HAYADAHA AMMAANKA QARANKA OO SOO AFJARAY KHAWAARIJTA.