DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO AMARO CULUS SOO SAARTAY.

(SAWIRKA)-GODKA JILACAW.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo sida uu u dhacay weerarkii Qaraxa ku billowday ee maleeshiyaadka AL-Shabaab ku qaadeen xarunta Godka Jilacow, taasoo ah Xarun hoos timaadda Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), laguna baaro Xubnaha kooxdaas ee gacanta lagu soo dhigo ama lagu tuhmo. War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ragga weerarka fuliyay ey wateen gaari iyo darees si buuxda ugu ekaa kuwa ciidamada dowladda, taasoo sahashay iney si fudud ugu soo dhowaadaan Xarunta Amniga ugu adag dalka. Baaritaanka ey Hay’adaha Amniga wadaan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo weli su’aalo badan laga qabo, oo ey ka mid yihiin: Cidda fududeysay in kooxdu hesho dharka ciidamada dowladda iyo gaariga loo midab ekeysiiyay gaadiidka rasmiga ah. Goobta lagu diyaariyay qaraxyada iyo cidda bixisay xogta gudaha xarunta ee u sahlay in weerarka la qorsheeyo. Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, kaasoo socday saacado badan, iyo xaqiiqada tirada Sax ah ee maleeshiyada weerartay Xabsiga, maadaama warar is khilaafsan ey ka soo baxayaan. Iyo sida koox hubeysan ugu suuragashay iney weerarto Xarun Amni oo si gaar ah loo ilaaliyo, oo bartamaha caasimadda ku taalla? Weerarka Godka Jilicow ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ey shalay dib u furtay 52 oo ka mid ah jidadka caasimadda, waxaana lays weydiiyay waxa isku soo aadiyay furista waddooyinka iyo weerarka AL-shabaab ey ku qaaday Xabsiga Godka Jilicow. Sanadkan 2025 waa Weerarkii ugu horeeyay AL-shabaab ey ka fuliyeen magaalada Muqdisho, oo muddo sanado ka caaganeed weeraradan sidan oo kale. Godka Jilacow oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu Amniga adag magaalada Muqdisho, Horey uma dhicin in Shabaabku gudaha u galaan.

XIGASHO RISAALA.

Previous
Previous

AU-DA IYO IGADA OO CAMBAAREEYEY WEERARKI ALSHABAAB EE GODKA JILACAW.

Next
Next

KULANKII MAANTA EE KISMAAYO OO LA ISKU MARI WAAYEY.