AU-DA IYO IGADA OO CAMBAAREEYEY WEERARKI ALSHABAAB EE GODKA JILACAW.

(SAWIRKA)-MAXAMUD CALI YUSUF.

(ADDIS ABABA)-Urur-goboleedka IGAD ayaa cambaareeyey weerarkii Argagaxiso ee AL-Shabaab ey Sabtidii shalay ku qaadeen Xabsiga Godka Jiilow ee magaalada Muqdisho, kaasoo ey ku dhinteen dad badan, kuwo kalena ey ku dhaawacmeen. Bayaan ey soo saartay Axadda maanta ah, ayey IGAD waxay ku muujisay sida ey u garab taagan tahay Soomaaliya, waxayna ku tilmaantay weerarka mid “fulaynimo ah”, waxayna ku ammaantay maamulka Muqdisho sida deg dega ah ee ey uga jawaabeen xakameynta xaaladda. Weerarada lagu qaaday xaruntan oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo oo ey ku jiraan xubno maleeshiyaad ah ayaa billowday galinkii dambe ee Sabtidii, waxaana uu socday saacadihii hore ee Axadda. Maleeshiyada ayaa Qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay si ey u jabiyaan xarunta ka hor inta aysan lug ku qaadin. “IGAD waxa ey bogaadineysaa xirfadda iyo geesinimada ey muujiyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya oo jawaab deg deg ah ka bixiyay masiibo weyn,” ayay tiri IGAD. Ururka gobolku wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la joogteeyo dadaallada looga hortagayo Argagixisada si loo cirib tiro AL-Shabaab. “Weerarkani ma gilgili doono geesinimada Soomaaliya ama go’aanka gobolkeenna, IGAD waxay si adag u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya dagaalka lagula jiro Argagixisada iyo sidii loo heli lahaa nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Fulinta IGAD Dr Workneh Gebeyehu. Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. War saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo beesha caalamka in ey xoojiyaan taageerada Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ee ka dhanka ah AL-Shabaab. "Doorka AUSSOM ayaa weli ah mid aad muhiim ugu ah ajendahan la dagaallanka Argagixisada, iyadoo si dhow ula shaqeyneysa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) ee howlgallada wadajirka ah, si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya," ayuu yiri. Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxa ey u sheegtay in weerarka lagu dilay 7-dagaalyahan oo ka tirsan AL-Shabaab, islamarkaana ciidamada ammaanka ey si buuxda gacanta ugu dhigeen xarunta. Sida laga soo xigtay Aljazeera, ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa la dilay iyaga oo iska caabinayey weerarka, inkastoo mas’uuliyiinta ey filayaan in dhimashadu ey kororto marka loo eego baaxadda dhacdada. “Weerarkii fuleynimada ahaa ee ey soo qaadeen argagixisada Al-Shabaab si degdeg ah ayaa loo fashiliyay, waxaana lagu dilay 7-da AL-Shabaab muddo kooban gudaheed,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Maamulka Muqdisho ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ey isku soo ekeen dareeska ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, isla markaana ay isticmaaleen gawaari ay ku xardhan yihiin astaanta hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, si ey u dhaafaan koontaroolada ka hor inta eysan qarxin gaariga ismiidaamiyay. AL-Shabaab ayaa markii dambe sheegatay mas’uuliyadda, iyadoo sheegtay in weerarka uu qeyb ka ahaa howlgal loogu magac daray “Taageerada kuwa dulman,” oo la sheegay in lagu doonayay in lagu soo daayo maxaabiis muslimiin ah oo u xiran dowladda.

XIGASHO-EV.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO TARTAMEYSA XUBIN KA NOQOSHADA HAYADDA UN-KA.

Next
Next

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO AMARO CULUS SOO SAARTAY.