SOOMAALIYA OO TARTAMEYSA XUBIN KA NOQOSHADA HAYADDA UN-KA.

(SAWIRKA)-WASIIRAD AL-MAKHZUUMI.

(GENEVA)-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed AL-Makhzuumi, ayaa magaalada Geneva kulammo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva. Kulammadan ayaa qayb ka ah ololaha ey Soomaaliya ka waddo magaalada Geneva, halkaasoo uu ka socdo Shirweynaha 60-aad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (UN Human Rights Council). Kulanka koowaad, Wasiiraddu waxay la yeelatay H.E. Naasir Cabdallah AL-hayin, Safiirka Dowladda Kuwait ee Geneva. Kulanka labaadna waxay la qaadatay H.E. Dr. Henda Cabdulraxman AL-Muftah, Safiirka Dowladda Qatar ee Geneva, halka kulanka saddexaadna ey la yeelatay H.E. Ambassador Burak Akçapar, Safiirka Dowladda Turkey ee Geneva. Safiirrada dalalkaasi waxay dhamaantood muujinayeen taageerada buuxda oo ey u hayaan dadaallada ey Soomaaliya ku doonayso in ey dib u soo ceshato doorkeeda iyo Madax-bannaanideeda ku aaddan waajibaadka qaran ee Xuquuqul Insaanka, ka dib muddo 30 sano ah oo ey ka maqneyd maareynta Madax-bannaan ee arrintan muhiimka ah. Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan soo celinta kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay, iyo xaqiijinta horumar ku dhisan ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, caddaaladda iyo sinnaanta bulshada. Waxaa la filayaa in maalinta Arbaco, 8-da Oktoobar 2025, la qabto codbixinta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo Soomaaliya ey u tartamayso xubinnimo, iyadoo ololahan uu qayb weyn ka yahay dadaallada iyo kulammada diblumaasiyadeed ee ey Wasiiraddu Hoggaamineyso.

XIGAHSO-SNTV.


Previous
Previous

MUQDISHO OO LAGA FURAY SHIR LOOGA HADLAAYO DHINACA ISGAARSIINTA DIGITAALKA.

Next
Next

AU-DA IYO IGADA OO CAMBAAREEYEY WEERARKI ALSHABAAB EE GODKA JILACAW.