QARAX MAANTA KA DHACAY XAAFADDA B/XUUBEEY EE DEGMADA WADAJIR.

(SAWIRKA)-GAARIGA QARAXA LALA EEGTAY MAANTA.

(MUQDISHO)-BREAKING NEWS: Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir, Xaafadda Buulo Xuubeey ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka dhacay Qarax nuuciisu yahay nuuca gawaaridda lagu dhejiyo ah, Qaraxaan ayaa waxaa lala eegtay Sarkaal ka tirsan Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Sarkaalka Qaraxa lala eegtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cumar Heegan, waxa uuna Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA u qaabilsanaay sida la soo sheegay Goboladda Shabeeladda Hoose iyo Shabeeladda Dhexe ee dawlad Goboleedyadda KGS iyo H/shableele Soomaaliya. Sarkaalka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac gaar ahaan dhaawiciis ayaa u badan qeybta hoose ee jirkiisa waxaane loola carary Isbitaalka. Dhinaca kale, todobaad ka hor ayey ahayd markii Qarax gaarigiisa loogu dhijyey sarkaal lagu magacaabo Generaal Afgaduud kana tirsan Hogaanka caadimaadka ee ciidanka Boolosika Soomaliyeed dib markii uu ka soo baxay Masaajidka,balse qaraxa lagu dhejiyey gaarigiisa ayaa qarxay ka dib markii gaariga uu soo gaaray gurigiisa hortiisa, mana jirto cid wax ku noqotay,waxaane burburay gaarigii sarlkaalka la rabay in la khaariyo. Sida muuqata waxaa hadda magaaladda Muqdisho ku soo laabtay Qaraxyadii lagu dhejinaayey gawaaridda ey iska leeyihiin saraakiisha Hayadaha amniga Qaranka kuwooda ugu muhiimsan. Qarax maanta ka dhacay Muqdisho iyo kii todobaad ka hor ka dhacay Muqdisho waxaa labadaba sheegtay kooxda khawaarijta ALshabaab ee dagaalka kula jirta Dawladda Federaalka Soomaaliyeed muddo dhan tobaneeyo sano.

ISHA-SBMEDIA.

Previous
Previous

EDNA OO KA HADASHAY DOORKEEDA AQOONSIGA ISRA’IIL EE SOMALIALND.

Next
Next

NISA OO SHEEGTAY IN LA DILAY HORJOOGE KA TIRSAN ALSHABAAB.