NISA OO SHEEGTAY IN LA DILAY HORJOOGE KA TIRSAN ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-ASTAANTA NISA.
(MUQDISHO)-War ey soo saartay Hayadda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA oo kaashanaayo saaxibadda caalamka ey hawlgal qorsheysan ku dileen Horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta ALshabaab kaaso sida la sheegay ahaay maskaxdii ka dambeysay weeraro kala duwan ey kooxdu ka geysatay magaaladda caasimadda ah ee Muqdosho. Hawlgalka ayaa dhacay habeenimadii Axada waxa uuna ka dhacay degaanka hoos yimaado degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeeladda Hoose. Horjoogaha la dilay ayaa ahaa mid isticmaali jiray magacyo kala duwan si aan loo aqoonsan qofka uu yahay, waxaane magacyadiisa ka mid ahaa”Saalim Sheekh Nuur C/raxman, Kamaaludiin Yoonis Maxamed, C/laahi Xasan iyo Caraale”. Horjoogahaan la dilay ayaa ahaa hagaha shabakadii fulisay weerarkii Godka Jilacaw ee dhacay 4/10/2025-kii, weerarkii nafti halignimo ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee dhacay 9/7/2025-kii, iyo weerarkii dugsiga Gen.Dhegabadan-Xero Nacnac oo dhacay 10/12/2025-kii, waxa uuna si toos ah u maamuli jiray shabadaha fuliya weerarka argagiso, dabgalka ninkaan bahalka ah ayaa la sheegay iney qaadatay muddo dhan ilaa 150-maalmood ilaa markii dambe qoorta loo laabay loona diray aakhiro.
ISHA-NISA.