PUNTLAND: SHAQAALIHII SOOMAALIDA OO LAGA DEJIYEY MARAAKIIBTA AJNABIGA.

(SAWIRKA)-MARKABKA JARIIFKA AH.

(GARAWE/PL)-Ilaaladii Soomaalidda ahayd ee saarneyd Maraakiibta Jariifka ah ee ku sugan Xeebaha Puntland ayaa dhammaan shaqadii laga ceyriyry, waxaane lagu bedelay shaqaale Ajaanib ah. Ku dhawaad boqol ka mid ah ilaalada la eryay oo qaadan jiray lacag u dhexeysa $500 ilaa $700 ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray degmooyinka xeebaha Puntland, kuwaas oo hadda wajahaya shaqo la’aan. Sababta shaqada looga cayriyay ilaalada Soomaalida waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ku lug lahaanashaha iyo fududeynta weerarada ka dhanka ah Maraakiibta Jariifka ee muddooyinkii dambe ka dhacayay Xeebaha Puntland. Koox hubaysan ayaa 31 bishii Diseembar 2025 ku qabsaday xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar markab kuwa Jariifka ah oo lagu magacaabo LDY578, kuwaas hadda dalbaday lacag madax furasho ah. Markabkan waxaa sidaan oo kale 2024 qabsaday koox kale oo markii dambe ka qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa labo milyan oo doolar. Puntland waa maamul bixinayay shatiyada kalluumaysiga laga soo billaabo 1998kii. Xogta maamulladii kala dambeeyay ay ka qariyaan hanti-dhowrka waxaa ka mid ah tirada shirkadaha shisheeye oo haysta shatiyada ay kaga kalluumeystaan badda Puntland iyo meesha ay ku dhacdo lacagaha shirkaduhu bixiyaan. Way adag tahay in la qiyaaso lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga, waxaana jira tuhun weyn oo ah in xitaa shaqsiyaad ay si sharci-darro ah shatiyo kalluumeysi ku siiyeen shirkado jilaabta kalluunka tuunaha oo ku badan Badweynta Hindiya. Dhianaca, waxaa shalay loo diiday iney u duulaan Masuuliyiin hore iyo Siyaasiyiin reer Puntland kuwaaso ku wajahnaay magaaladda Boosaaso ee caasimadda Gobolka. Masuuliyiinta loo diiday iney u duulaan Boosaaso ayaa waxaa ka mid ahaa: (1)-Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire. (2)-Wasiirkii Hore ee Amniga C/samad Galan. (3)-Gudoomiyihii hore ee G/Bari, C/xaafid Cali Yuusuf. (4)-Ganacsade Maxamed Beeldaaje. Dhammaan ragaan ayaa la sheegay in is hotaag lagu sameeyey safarkoodii Boosaaso, amarka is hortaaga ayaa waxaa bixisay DG Puntland. Maanta oo Sabti ah kuna beegan 24-ka bisha Janaayo-2026-ka waxaa magaaladda Garawe ee ah caasimadda DG Puntland lagu xiray seddex nin oo u dhashay dalka Turkiga kuwaaso ka yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wararka ayaa sheegaayo in ragaan la xiray ey socdeen iney sahmiyaan wado laga dhisaayo Puntland,hayadaha amaanka Puntland ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin xiriga ragaan u dhashay Turkiga.

XIGASHO-WAKAALADDO.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA OO MAANTA ANSIXIYEY HINDISE SHARCIYEEDYO.