MAXAA LAGA FILAN KARAA SHIRKA U DHEXEEYO DFS IYO MUCAARADKA?
(SAWIRKA)-GOLAHAMUSTAQBAL SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa caadi Siyaasadeed ka noqotay abuuritaan kooxo mucaarad ku ah dawladda markaas jirta, kooxahaasi ayaa dawladda ku ah weerar laba afle ah eysan ka dhaqaaqi karin, waxa eyna intooda badan salka kula jiraan dawladdo shisheeye oo dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya. Shirkii Kismaayo ka dhacay dabayaaqadii sannadkii hore 2025-kii eyna ku kulmeen Xubno ka socday Madasha Samatabixinta Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ex.Mw-Sheekh Shariif iyo Madaxweynayaasha DG Jubaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa waxaa lagu dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, Golahaan ayaan lahayn ilaa hadda Hoogaamiye, Ku-Xigeen iyo Xoghaya la isku raacsan yahay, waxa uuna golaha soo saaray baaq ku wajahan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud, baaqa ayaa Madaxweynaha looga dalbaday inuu qabto shir u dhexeeyo isaga iyo Mucaarada ku mideysan Goalaha Mustaqbalka Soomaaliya. War ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Barre taariikhdu markeey ahayd 19/1/26-ka ayaa lagu sheegay inuu qabsoomi doono shir u dhexeeyo Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo DFS, kaaso dhici doono 1/2/2026-ka, hadaba maxay yihiin Qodobada diidaayo in Go’aan Doorasho lagu gaaro shirka loo balansan yahay?
(1)-Shirka dhacaayo 1-da Feberaayo Mucaaradla DFS uma dhamma, waayo MW-Xasan Sheekh uma yeerin dhammaan Mucaaradka DFS, isaga oo ka cararaayo inuu wad hadallo diid yahay ayuu ka jawaabay codsigii Golaha Mustaqbal Soomaaliya ee ka yimid Kismaayo, madashan waxaa ka maqan oo aan shirkaan soo socdo ka qeybgeleyn Siiyaasiyiin badan oo Mucaarad ah, waxaane ugu tun weyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Maxamed C/laahi farmaajo.
(2)-Dawlad Goboleedyo ayaa ka maqan shirka Feberaayo, Mucaaradku ma lahan sharciyad ey ku galaan heshiis doorasho, sidii horay u dhacday sannadadii 2016-kii iyo 2020-kii. Doorashada soo socoto ee Soomaaliya waa iney ka heshiiyaan Madaxda DFS iyo dawlad goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS, shirkaan soo socdo ee loo balansan yahay 1-da Feberaayo-2026ka waxaa ka maqan Dawlad Goboleedyadda kala ah” G/Mudug-KGS-H/shabeelle iyo W/Bari Soomaaliya”, sidaas darteed la’aantood Doorasho lagama heshiin karo.
(3)-Mw-Xasan Sheekh oo shaqadii Doorashada iyo midii Dastuurka dib u bilaabay, Mw.Xasan Sheekh waxa uu todobaadkan la kulmay Gudiga dib u eegista Dastuurka JFS ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday in la bilaabo dhammaystirka Dastuurka, waxaane hadda miiska saaran ilaa iyo shan Cutub oo ka tirsan Dastuurka KMG ah, dooda MW-Xasan Sheekh ayaa ah in la dhammaystiro Dastuurka JFS inta uusan dhammaan muddo xileedkiisa sharciga ah ee ku eg 15/5/2026-ka. Sidoo kale, Doorashada Golaha Degaanka Dawlad Goboleedyadda dalka marka laga reebo Puntland iyo Jubaland ayaa la bilaabi doonaa dhawaan sida uu amray Mw-Xasan Sheekh, labadaan waxa eyna siinayaan in Mw-Xasan Sheekh uusan weli go’aansan inuu 100% jidkiisii ka leexdo, laakin dhinaca kale, waxa uu muujinayaa biseyl ah inuu arki karo cid walba oo isaga ka aragti duwan,hadaba maxaa ka imaan kara kulanka Mw-Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka? Kooxdaan la magac baxday Goalha Mustaqbalka soomaaliya waxay xaq u leeyihiin in la dhegeysto oo cabashadooda la aqoonsado ka dibne lagu darro qodobada u baahan in wax laga qabto, waxay isla soo dheweeyaan Mw-Xasan Sheekh iyo Mucaaradka waa in Mw-Xasan uu horgeeyaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo halkaasi looga doodaa ka dibne go’aan looga gaaraa si loogu gudbiyo labada aqal ee BJFS, waxaa kaloo Mw-Xasan u furan marka uu dhegeysto dooda Golaha Mustaqbalka inuu ku baaqo Shir-weyne Qaran oo ey u dhan yihiin Mucaaradka iyo Dawlad Goboleedyadda dalka ka jira si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.