GOLAHA SHACABKA OO MAANTA ANSIXIYEY HINDISE SHARCIYEEDYO.

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA BJFS.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 31-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 144-Xildhibaan, waxa ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ugu horreyn akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka macdanta Golaha la wadaagay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ah xoghayaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 141-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay. Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’ada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, sedax Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

PUNTLAND: SHAQAALIHII SOOMAALIDA OO LAGA DEJIYEY MARAAKIIBTA AJNABIGA.

Next
Next

ISMARI WAA KA TAAGAN SHIRKA GOLAHA MUSTAQBALKA EE NAYROOBI.