ISMARI WAA KA TAAGAN SHIRKA GOLAHA MUSTAQBALKA EE NAYROOBI.
(SAWIRKA)-GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA.
(NAIROBI/KENYA)-Wararka aan la heleyno caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Jimca ah ey ku kulmeen Siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ka kooban Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu Hogaamiyo Ex.Mw.Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynayasha Dawlad Goboleedyadda Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Puntland Siciid C/laahi Deni. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Hoteelka uu magaaladda Nayroobi ka degan MW-Deni ee JW MARRIOT, ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay iney ahayd jawaabtii laga bixin lahaa Shirka ey ku baaqday DFS kaaso loo qorsheeyey inuu dhaco 1/2/2026-ka, waxaane jirto in beesha caalamka ee taageerto DFS ey war culus kasoo saartay baaqa DFS ee ku saabsan in Gogol ey fidsan tahay taaso go’aano looga gaaraayo Doorashooyinka dalka ee 2026-ka. Golaha ayaa sheegay inuu iska soo dhex xulay Gudi loo diraayoy magaaladda Muqdisho si uu ula soo kulmo Gudiga ey magacawday DFS ee uu madaxda u yahay Wasiir Xasan Macallin, lama sheegin magacyadda Gudiga ka kooban lixda qofood ee uu soo xulay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya halka la sheegay oo kaliyah Gudoomiyahooda kaaso lagu sheegay inuu yahay Xildhibaan C/laahi Carab. Golaha ayaa la sheegay iney damacsan yihiin iney shuruud ka dhigtaan imaatinkooda Muqdisho in la baabi’iyo Waarankii soo qabasho ee loo jaray Mw.Axmed Madoobe, balse weli kalama cadda in Golaha uu la imaan doono shuruud iyo in kale, waxaase hubanti ah haddii Goluhu diido inuu shirka ka qeybgalo iney wajihi doonaan culeysyo caalami ah eyna ugu horeyso Cunaqabateyn dhinaca safarka ah oo lagu soo rogo dhammaan kuwa loo arko iney caqabad ku yihiin geedi socodoka nabadda dalka Soomaaliya. Dhinaca kale, berri oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu dhaco shir u dhexeeyo Golaha Wadatashiga Qaranka kaaso ah Fogaan arag(ZOOM), ujeedka shirka berri ayaa lagu tilmaamay inuu yahay wadatashi la xiriira shirka dhici doono 1/2/2026-ka. Sida ey ogaatay Warbaahinta SuuqBacaad Media,Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee hadda ku sugan Nayroobi ayaa dhexdooda waxaa ka taagan ismari waa dhinaca hogaanka, waxaane arrintaan soo farageliyey siyaasiyiin uu soo diray MW-Deni si ey xaliyaan xurgufta dhex taalo Deni iyo Sheekh Shariif taaso ka dhalatay shirkii Kismaayo oo Madaxweyne Shariif loo diiday inuu noqdo Hogaamiyaha Golaha Mustaqbal Soomaliya, waxaane soo baxay warar sheegaayo in Siciid Deni uu ka dambeeyey Diidmada Shariifka isaga oo kaashanaayo Reysal Wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Wasame. Mw-Deni ayaa shaki weyn waxa uu ka qabaa Sheekh Shariif bacdamaa uu ku hungoobay Madaxweyne Xasan Sheekh ka dib markii uu ka waayey sidii uu ka rabay oo ahayd in kursiga Reysal Wasaaraha la siiyo shaqsi Deni uu wato.LA SOCO.
DIYAARIYE/ABKEY-MUQDISHO-SOMALIA.