NATIIJADII IMTIXAANKA DUGSIGA DHEXE EE G/BANAADIR OO LA SHAACIYEY.
(SAWIRKA)0MUUNGAAB IYO ARADAYDI GUULEYSATAY.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee sannad Dugsiyeedka 2024/2025 oo ey sannadkan u fadhiisteen arday gaareysa 41,076, oo wax ka barta Dugsiyadda Dhexe ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardaydii ku gudubtay imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir, gaar ahaan Gabdhaha ku guuleystay kaalimaha ugu horeeya ee Najiitada imtixaanka oo kala ah;
Kaalinta 1-aad: Sakiyo Cabdullaahi Cali Iimaan oo wax ka barata Dugsiga Amiir Nuur ee Degmada Warta Nabadda,wadarta guud ey keentay waa 758-dhibcood,celcelis ahaan dhan 94.8%
Kaalinta 2-aad: Sahro Axmed Cali Maxamed oo wax ka barata Dugsiga Giirre ee Degmada Dharkenley,wadarta guud ey keentay waa 743-dhibcood,celcelis ahaan dhan 92.9%.
Kaalinta 3-aad: Maymuun Ramadaan Cali Cumar oo wax ka barata Dugsiga Imamu Zaylici ee Degmada Yaaqshiid,wadarta guud ey keentay waa 742-dhibcood,celcelis ahaan waa 92.8%.
Sidoo kale Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo u diray waalidiinta, macalimiinta iyo Agaasinka Waxbarashada, asigoona u mahadceliyay hey’addaha amniga iyo cid weliba oo ka qeyb qaadatay in Imtixaanka shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025 si guul ah uu kusoo dhammaado. Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hoosta ka xariiqay iney ka go’an tahay tayeynta Waxbarashada, horumarinta iyo kordhinta Xarumaha Waxbarashada, si ubadka ku nool Gobolka Banaadir ey u helaan Waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah. Ardayda loo qorsheeyey iney u fariistaan Imtixaan ayaa dhammeed 41,655-arday,waxaane ka baaqatay 579-arday kalana ah Gabdho-221-arday, wiilal-358-arday,celcelis ahaan waa Gabdho 0.5%,wiilal 0.9%,wadar 1.4%. Gudoomiye Muungaab ayaa aradaydii gashay kaalimaha 1-aad,2-aad iyo 3-aad gudoonsiiyey abaalmarino dhiirigelin ah si aradyada ugu dadaalaan sidii ey u heli lahaayeen abaalmarin. Celceliska aradayda gudubtay 45.4% oo gabdho ah iyo 54.6% oo wiilal ah. Inta gudubta waxaa wiilal ah 20,830-arday,Gabdho 17,433-arday. Waxaa dhacday 2,813-arday, waxaa wiilal ah 1600-arday,gabdho waxaa ah 1,213-arday,celcelis ardayda dhacday Gabdho 3.0%,wiilal 3.9%.
ISHA-SB-MEDIA.