MADASHA MUCAARADKA SOOMAALIYA OO KALA JABTA,SABAB?
(SAWIRKA)-MADASHA KALA JABKEEDA.
(MUQDISHO)-Maanta waxaa kulan gaar ah oo dhawr saacadood qaatay ku yeeshau Hotl-ka Jazeera ee magaaladda Muqdisho Xubnaha Mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliya. Kooxdaa ayaa habeenkii xalay waxa ey isku fahmi weysay in la sii daayo War Saxaafadeed ka warbixinaayo doodihii mudooyinkaan u socday iyaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Gudaha Mucaaradka ayaa u kala jabay laba garab oo waa weyn iskana soo horjeeda,labada garab ayaa kala ah:(1)-Garabkaan kooban Ex-RW-Saacid,Ex-RW-Rooble iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame,garabkaan ayaa rabay in lagu dhawaaqo in wada hadalkii u socdy iyaga iyo DFS inuu burburay iyo inaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud wax dambe laga sugeyn. (2)-Garabkaan ayaa ka kooba Ex-RW-Cumar C/rashiid, Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Daahir Geelle,garabkaan ayaa qabay inaan la dhihin wada hadaladdii waa ey burbureen sidoo kalane xeerka siyaasiga ah aaney ku jirin in la diido Madaxweyne dalbanaayo wada hadal Siyaasadeed taaso macnaheedu yahay in Madashu aqabasho iney wada hadalka sii wadaan. Qoraalka ey Madasha soo saartay ayaa muujiyey in labada garab la qanciyey inkastoo dhinac ka mid ah uu qabo guryan Siyaasadeed. Dhinaca kooxda Rooble,Saacid iyo C/raxmaan C/shakuur,waxa ey ku guuleysteen in la soo saaro War-Saxaafadeedka laguna xuso inaan wax heshiis ah la gaarin,halka dhinaca kale Ex-Rw-Cumara,Shariif Xasa iyo Daahir Geelle ey ku guuleysteen inaan Madashu ku dhawaaqin in wada hadalkii uu burburay taas bedelkeedana iney Madashu sheegto iney weli diyaar u tahay wada hadal,waxaane taas lagu qoray gunaanadka War-Saxaafadeedka. Madashu ma sheegin in wada hadalkii u dhexeeyey iyaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh iney toos ah u burbureen,waane qodob laga ilaaliyey qoraalka ey Madashu soo saartay maanta,taas bedelkeedana waxay Madashu si toos ah ugu dhawaaqday iney diyaar u tahay wada xaajood. Fashalka iyo kala haadka ku yimid Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa loo aaneeyey inuu salka ku haayo saameynta dawladdo shisheeye ey ku leeyihiin Arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya,waane tan keentay in Ex.Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ex.RW-Xasan Cali Kheyre ineysan la kala safan garabyada isku qabsaday War-Saxaafadeedka. Dawladaha Isutaga Imaaraatka Carabta Midoobay (UAE) iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ah kuwa saameyn badan ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya ee waqtigaan,waxaane hadda banaanka timid iney saameyn ku yeesheen Mucaardka DFS oo horay loo rumeysnaay inuu ka madax banaan yahay faragelin shisheeye balse hadda soo shaacday.
ISHA-SB-MEDIA.