AFGEMBI DHICISOOBAY OO KA DHACAY DALKA MAALI.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA DALKA MALI.

(MALI)-Hoggaanka militariga Mali ayaa sheegay iney fashiliyeen isku daygii Afgambiga, waxaana ey xireen labo Jineraal iyo sidoo kale muwaadin Faransiis ah oo ey ku sheegeen inuu yahay wakiil Ajnabi ah iyo kuwo kale. Wasiirka Amniga General Daoud Aly Moxammedine ayaa ku dhawaaqay in la xiray koox isugu jirta Saraakiil Ciidan iyo dad Rayid ah, sida uu sheegay war qoraal ah oo laga Akhriyay Teleefishinka Dowladda Galabnimadii Khamiista. War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Xabsiga loo taxaabay tobanaan askari maalmihii la soo dhaafay. Wararka xanta ah ee ku saabsan in la xiray ayaa dhowr maalmood ka socday dalka Mali. Kooxdu waxay taageero ka haysatay dibadda, ayuu yiri Moxmammedine, waxaana lagu eedeeyay iney isku dayeen iney xasilooni darro ka abuuraan Mali.

MAXAAN KA IGNAHAY SHAQSIYAADKA LA XIRAY?

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in muwaadinka Faransiiska ah loo xiray tuhunka “inuu u shaqeynayey magaca sirdoonka Faransiiska, kaasoo abaabuley Hoggaamiyeyaal Siyaasadeed, jileyaal bulshada rayidka ah iyo ciidamada militariga” ee Mali. Militariga Mali, oo xukunka kula wareegay Afgambiyo isdaba joog ah 2020 iyo 2021, ayaa bixiyay tafaasiil yar oo kale oo ku saabsan waxa Afgambiga lagu eedeeyay uu ka dhashay iyo muwaadin Faransiis ah oo ku lug lahaa. Faransiiska oo horey u gumeysan jiray Mali, ayaan wali ka hadlin xariga ninkan, sida ey sheegeen Wakaaladaha Wararka ee kala duwan. Mid ka mid ah Jineraalada la xiray, Abass Dembele, ayaa caan ku ah askarta Mali. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mopti ee bartamaha dalkaasi, ayaa xilka laga qaaday bishii May ka dib markii uu dalbaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha sheegaya in ciidamada Mali ey toogasho ku dileen ugu yaraan dad rayid ah, intii uu socday howlgal milateri oo ka dhacay tuulada Diafarabe.

MILATERIGA MAALI AYAA GACANTA KU DHUGAY CODADKA KASOO HORJEEDA:

Horumarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ey socdaan olole ka dhan ah mucaaradka Mali ka dib isu soo bax Dimoqraadiyad doon ah bishii Meey, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii ey ciidamadu la wareegeen talada dalkaasi ku dhawaad afar sano ka hor. Rida Lyammouri, oo ah falanqeeye ka tirsan Xarunta Siyaasadda Koonfurta Cusub ee fadhigeedu yahay Marooko, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press in militariga Mali ey ka warqabaan niyad jabka ka dhex jira shacabka iyo xubnaha ciidamada. "Hogaamiyeyaasha millatarigu si fudud uma rabaan iney u oggolaadaan cabashooyinkaas iney ku dhismaan wax ka badan, sida Afgambi, sidaas darteedna xiritaannadan waxay u muuqdaan kuwo badan oo lagu cabsigelinayo iskuday Afgambi oo sharci ah," ayuu yiri Lyammouri. "Waa sii socoshada xarigga iyo ciqaabta aan loo meel dayin ee soo noqnoqonaysa ee lagula kacayo cid kasta oo ka soo horjeeda maamulka hadda jira," ayuu raaciyay.

TALIYAHA MILATERIGA MAALI AYAA LA SIIYEY MUDDO KORDHIN ILAA 2030:

Bishii Luulyo, Hogaamiyaha Militariga General Assimi Goita ayaa la siiyay muddo shan sano ah oo Madaxtinimo, taasoo la cusboonaysiin karo si aan xad lahayn. Tani waxay ahayd iyadoo ey jirto ballan-qaadyadii hore ee milatariga ee ahaa in dib loogu soo celinayo xukunka Rayidka ah bishii Maarso ee sannadkii 2024. Talaabadan ayaa daba socotay kala diristii Militariga ee Xisbiyada siyaasada bishii Meey. Goita waxa kale oo uu  Mali saaray Ururka ECOWAS oo ey ku midaysan yihiin wadamada Galbeedka Afrika sababo la xiriirta dalabaadkooda ah in Mali soo celiso Xukunkii Dimuqraadiga ahaa.

ISHA-DW.

Previous
Previous

JARMALKA IYO BAKISTAAN OO ISKULA QATAARAN QAXOOTIGA AFGAANISTAAN,SABABTA?

Next
Next

MADASHA MUCAARADKA SOOMAALIYA OO KALA JABTA,SABAB?