DAGAALKII TEREBUUNKA OO LA OGAADAY IN DIBADDA LAGA SOO ABAABULAY.

(SAWIRKA)-DHALLINYARADII KU DHIMATAY DAGAALKII TERBUUNKA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in aroortii hore ee maanta oo Khamiis ah uu dagaal culus ka qarxay Xaruntii hore ee Naadigii Horseed ee degmada Hodon ee Gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa u dhexeeyey koox qaab Qabiil u abaabulan kuna heyb ah Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Cali-Yare Cali iyo Ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan ee ka hawlgala G/Banaadir sida Haramcad,NISA iyo Booliska Mileteriga. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Maleeshiyaadkii hubeysan ey toogteen sarkaalkii la socday Ciidamadda Amaanka,waxaane isla goobta naftoodii ku waayey shan dhallinyara ah oo ka tirsanaay maleeshiyaadkii u abaabulnaay Qaab Qabiil,waxaane jira dhawaacyo tiro beel oo soo gaaray shacabka. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in dadka dhaawacmay uu mid yahay Taliyihii Ururka 2-aad ee Guutada 22-aad ee Booliska Mileteriga Mire sahal,waane sida ey inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hayadaha Amaanka ee ka hawlgala Caasimadda Muqdisho.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

NATIIJADII IMTIXAANKA DUGSIGA DHEXE EE G/BANAADIR OO LA SHAACIYEY.

Next
Next

LABA DOON OO SIDAY MUHAAJIRIIN OO KU DEGAY BADDA TALYAANIGA.