MW.CIRRO OO KU BAAQAY IN LA SII DAAYO MAXAABIISTA SOMALILAND.
(SAWIRKA)-MW-CIRRO.
(HARGEISA/SL)-Maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu xalliyo xaaladda maxaabiista looga heysto magaalada Laascaanood. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka, ayaa sheegay in xukuumaddiisu diyaar u tahay xal kasta oo lagu gaari karo nabad waarta, isagoo carrabka ku adkeeyay in wadahadalka uu yahay waddada kaliya ee lagu dhameyn karo khilaafaadka jira. Wuxuu xusay in Somaliland ay hore u soo jeedisay qodobo ay ka mid yihiin isdhaafsiga maxaabiista, furitaanka isu-socodka ganacsiga iyo dadka, iyo dhismaha jawi lagu wada hadli karo, balse ilaa hadda aan jawaab rasmi ah laga helin dhinaca maamulka Waqooyi Bari. Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool gobolka Sool ay yihiin dad wadaaga dhaqan iyo taariikh la mid ah bulshada kale ee Somaliland, sidaas darteedna ay muhiim tahay in xal wadajir ah laga gaaro wixii tabashooyin ah. Dhanka kale, maamulka ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka iyo guddiyadii nabadeed ee door ka qaatay isku dayada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda, iyagoo ku baaqay in dadaalladaas la sii xoojiyo. Ugu dambeyn, Somaliland ayaa digniin u dirtay cid kasta oo hurinaysa colaadaha, iyadoo sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida guud ee deegaannada.
ISHA-GJ.