MUDO XILEEDKA BAARLAMAANKA 11-AAD OO MAANTA KU EG,MAXAA XIGA?

(SAWIRKA)-BJFS,

(MUQDISHO/SOMALIA)-Muddo xileedkii sharciga ahaa ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ku beegan 14-ka April, sida uu dhigayo Qodobka 60aad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah. Baarlamaanka, oo ah tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka dawladnimada dalka, ayaa afartii sano ee la soo dhaafay hayay awoodda sharci-dejinta, iyadoo hay’adaha kale ee dowladda ay si toos ah uga soo farcamaan sharciyaddiisa. Dhamaadka muddo xileedka baarlamaanka ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn ku yeelan karo shaqada guud ee hay’adaha dowladda, maaddaama uu yahay hay’adda sharciyadda siisay. Khubarada siyaasadda ayaa sheegaya in xaaladdan ay dalka gelin karto marxalad ku-meel-gaar ah, taasoo xaddidi karta awoodaha hay’adaha kale. Golahan ayaa markii ugu horreysay la dhaariyay 14-kii April 2022, wax yar kadibna waxa uu doortay Madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May ee isla sanadkaas. Madaxweynaha ayaa isna magacaabay Ra’iisul Wasaaraha bishii June 2022, iyadoo xukuumadda si rasmi ah loo dhisay bishii August ee isla sanadkaas. Xildhibaan Cabduladiif Muuse Sanyare, oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka, ayaa sheegay in laga bilaabo maanta goluhu uu galayo xaalad sii-hayn (caretaker), taasoo u oggolaanaysa inuu sii wado hawlaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka ah, balse aanu ansixin karin sharciyo cusub ama heshiisyo waaweyn ilaa laga soo dhiso baarlamaan cusub oo leh sharciyad buuxda. Waxa uu sidoo kale xusay in xaaladdan ay ka dhigan tahay in baarlamaanku aanu awood u lahayn inuu la xisaabtamo xukuumadda ama uu xilka ka qaado wasiirrada, maaddaama awooddiisa sharciyeed ay ku egtahay muddadii hore. Sanyare ayaa intaa ku daray in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu is casilo, xilka si ku-meel-gaar ah u sii hayn doono Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyadoo aan la qaban karin doorasho rasmi ah ilaa la helo gole cusub. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Guddoomiyaha hadda ee Baarlamaanka Soomaaliya uu damacsan yahay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo dhalin karta isbeddel siyaasadeed oo hor leh xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MW.CIRRO OO KU BAAQAY IN LA SII DAAYO MAXAABIISTA SOMALILAND.

Next
Next

MW-TRUMP OO DIB U CUSBOONEYSIIYEY XAALADDA DEG DEGA AH EE….