MW-XASN SHEEKH OO BOOQDAY XARUNTA WASAARADDA G/DHIGA.

(SAWIRKA)MW-XASAN SHEEKH OO LA SHIRAY MASUULIYIINTA WASAARADDA G/DHIGA EE XFS.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee Hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira Amniga iyo difaaca dalka. Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Amniga iyo Qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay Madaxda Wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ey leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey Argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in Xasilloonida iyo Amniga dalka ey dowladdu dadaal badan gelisay.Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ey ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ey mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Arrimaha Gargaarka, Amniga, Maalgashiga, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ey door weyn ka qaadato horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, iyo in kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyo dalka, si dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah. Maanta oo khamiis ayuusan kulankii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaaliya sabab aan la sheegin,balse warar hoose ayaa sheegaayo inuu jiro wax ka bedel qaab dhismeedka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida in laga yaabo in la magacaabo Reysal Wasaare seddexaad iyo Wasiiro Cusub.

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

GUD.ADEN MADOOBE OO KA QEYBGALAY SHIRKA GUD.JOOGTADA.

Next
Next

DADKII FUDUDEEYEY WEERARKII HOTEL-KA DUSITD2 OO LA..