GUD.ADEN MADOOBE OO KA QEYBGALAY SHIRKA GUD.JOOGTADA.
(SAWIRKA)-GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO)-Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ey wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha horutebinta u leh inta ka harsan Kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib Guddoomiyaasha Guddiyada laga dhageystay warbixino ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan. Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ajendeyn iyo jadwaleynba ku sameeyay ajendayaasha kulamada Golaha ee todobaadka soo socda, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada in la dardargeliyo shaqada Golaha Shacabka. Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Magaaladda Dar es Salaam ee wadanka Tanzania uga qeyb galay kulanka 20-aad ee Xoghayaasha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika. Kulanka ayaa waxaa lagu dhageystay warbixinta kulankii dhacay bishii November sanadkii la soo dhaafay ee 2024, sidoo kalena waxaa looga hadlay dhismaha machadka Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika. Xoghayaasha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa inta kulankooda uu socday diyaarin iyo Ajendayn ku sameeyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika oo 24-ka bishan si rasmi ah u furmi doona.
ISHA-SNTV.