MASUULIYIIN SOO GAARAY MUQDISHO SI EY UGA MID NOQDAAN…
(SAWIRKA)-KHAYRE IYO CUMAR C/RASHIID.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo xaasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi ey soo gaareen masuuliyiin hore xilal uga soo qabatay dalka Soomaaliya kuwaaso ey ka mid yihiin Reysal Wasaarayaasha kala ah Xasan Cali Kheyre iyo Cumar C/rashiid. Masuuliyiintaan ayaa si aad u diiran waxaa loogu soo dhaweeyey Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradah ee Adan Caadde ee magaaladda Muqdisho. Soo dhaweynta masuuliyiinta ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed. Labadaan masuul ayaa la filaa iney Muqdisho ka bilaabaan kulano isdaba joog ah kuna saabsan xaaladda dalka uu hadda maraayo iyo sidii looga arrinsan lahaa Doorashooyinka soo socda oo ey ka taagan yihiin murano iyo fikrado si aad ah isu diidan. Horay waxaa caasimadda Muqdisho u sii joogay rag Mucaarad ku ah DFS sida Xildhibaanada C/raxmaan C/sahkuur iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed,madaxda hadda timid iyo kuwa kale oo ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa lagu wadaa iney iyaguna soo gaaraan caasimadda Muqdisho si ey qeyb uga noqdaan Isbahaysi la sheegay in dhawaan Muqdisho laga dhisi doono kaaso Mucaaradka DFS isku beheysan doonaan, balse waxa ilaa hadda kala cadeeyn in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Maxamed C/laahi Farmaajo uu imaanaayo si uu uga qeybgalo dhisida Isbahaysiga cusub ey gadaal ka taagan tahay Dawladda Isugtaga Imaaraatka Carabta,taaso dooneysa iney wiiqdo hanaanka Siyaasadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Dhinaca kale, Imaaraatka ayaa ku hawlan kulansiinta labada Hogaamiye Axmed Madoobe iyo Siciid Deni,kuwaaso isku dhacsan tan iyo markii dib loo doortaya Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamud. Imaaraatku ma sheegin goorta iyo meesha uu kulansiinaayo labadaan Hogaamiye iney tahay Nayroobi oo ey hadda wada joogaan iyo iney tahay Abu Dhabai,balse maalmaha soo socdo ayaa la arki doonaa halka lagu kulansiiyo labadaan Hogaamiyey.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.