MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA SHIR GUDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRADDA.

(SAWIRKA)-GOLAHA WSIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha. Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay iney Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xildhibaabada cusub ay dusha u riteen masuuliyad Qaran oo culus oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan Iskaashiga dhaqaale iyo wax wadaqabsi ee dalalka Bariga Afrika. Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada in ay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo marwalba ka shaqeynaya in codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

RW-XAMSE OO QAABILAY XILDHIBAANADA SOOMAALIYA EE BAARLAMAANKA EAC.

Next
Next

GUD.ADEN MADOOBE OO LA KULMAY XUBNAHA CUSUB EE BARLAMAANKA EAC.