GUD.ADEN MADOOBE OO LA KULMAY XUBNAHA CUSUB EE BARLAMAANKA EAC.
(SAWIRKA)-BARLAMANKA EAC.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu maanta kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaasoo ay shalay doorteen Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ugu horeyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator Cabdullahi Timacadde iyo masuuliyiin kale. Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah Qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka.
XIGASHO-SNTV.