9-KII XUBNOOD EE SOOMAALIYA KU METELAAYEY BAARLAMAANKA BULSHADA BARIGA AFRIKA OO LA DOORTAY.
(SAWIRKA)-DOORASHADA.
(MUQDISHO)-Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii Seddexaad ee Wadajirka ah ee Kalfadhiga 7-aad,kulanka maanta ayaa ahaa mid lagu dooranaayey Xildhibaanadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ku Metelaayo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika EALA. Kooramka labada Aqal ee baarlamaanka JFS ayaa ahaa 222-Xildhibaan,waxaane cod bixin loo sameeyey 9-kursi oo ey leedahay DFS kana mid noqon doono Baarlamaanka bulshada Bariga Afrika(EALA),kuraastaan sagaalka ah ayaa waxaa isu soo sharaxay ilaa iyo18-Musharax,basle waxaa ku guuleystay sagaal Musharax kalana ah:
(1)-Ilhan Cali Gasar,Qabiilkeed Hawiye/Murusade,heshay 184-cod.
(2)-Sahra Cali Xasan,Qabiilkeeda Hawiye/Dagoodi,heshay 184-cod.
(3)-C/raxman Bashiir Shariif,Qabiilkiisa Daarood/Abaskuul,helay 172-cod.
(4)-Feysal Cabdi Rooble,Qabiilkiisa Daarood/Gerikoombo,helay 182-cod.
(5)-Xuseen Xasan Cabdi,Qabiilkiisa Mirifle/Macallin Weyne,helay 193-cod.
(6)-Abukar Cabdi Cisman(Mardaadi),Qabiilkiisa Digil/Garre,helay 152-cod.
(7)-Fahma Axmed Nuur,Qabiilkeeda Beesha Shanaad,heshay 171-cod.
(8)-C/salam Hadliye,Qabiilkiisa Dir/Gadabursi,helay 171-cod.
(9)-Fadumo C/lahi Maxamed,Qabiilkeeda,Dir/Surremheshay 178-cod.
Dhammaan sagaalka kursi ee maanta la doortay waxa ey qeyb weyn ka noqon doonaan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee EALA kaasoo la dhisay sannadkii 2001-dii bishii Noofembar,waxaane hadda Afhayeen ka ah Joseph Ntakirutimana una dhashay dalka Burundi,waxaa la soo doortay fadhigii shanaad ee baarlamaanka sannadkii 2022-kii waxa uuna xilka ka degi doonaa taariikhdu marka ey tahay Desembar-2027-ka.
WAXA DIYARIYEY/ABKEY-MUQDISHO SOMALIA.