RW-XAMSE OO QAABILAY XILDHIBAANADA SOOMAALIYA EE BAARLAMAANKA EAC.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE XILDHIBANADA EAC.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimaddaSoomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu maanta la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee shalay la doortay, ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu matalaan danahooda ku aaddan wax-wada-qabsiga bulshada Bariga Afrika. Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in doorashada Xildhibaannadani ay tahay guul muhiim u ah Soomaaliya, taas oo muujinaysa doorka uu dalkeennu ku leeyahay ururrada iyo siyaasadda gobolka Bariga Afrika. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhiirrigeliyay xildhibaannada cusub in ay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha, iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.

ISHA-SNTV


Previous
Previous

NIN QAXOOTI REER AFGANISTAAN AH OO LA SOO TAGAY MAXKAMAD JARMALKA KU TAALO.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA SHIR GUDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRADDA.