MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA 34-AAD EE MADAXDA CARABTA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MADAX KALE.

(BAGHDAD)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee Arrimaha Gobolka iyo Carabta. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska Hay’adaha dowladda, Sugidda Amniga, la-dagaallanka Argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha, taas oo suurta gelisay in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan Qaddiyadda Falastiin, waxa uuna caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Gaza. “Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo Madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus". Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah. Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, Madax-bannaanida, iyo Dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada iney ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas. Shirka 34-aad ee Madaxda Carbeed ee ka socdo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaan waxaan soo xaadirin Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Suriya Md.Axmed AL-sharac sababo la xiriiro amnigiisa marka uu tago dalka Ciraaq. Madaxweyne Axmed AL-sharac ayaa sannadkii 2012-kii waxaa lagu xiray gudaha dalka Ciraaq waqtigaaso uu ka mid ahaa kooxihii diidanaay joogitaan Ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq,waxaa sidoo kale isna aan imaan shirka 34-aad ee Madaxda Carabta Dhaxal-sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

ISHA-VILLA SOMALIA.


Previous
Previous

DILKA TALIYE XUJAALE MA SHIRQOOLBAA MASE DIL KAMA AH?

Next
Next

BAYAAN HORDHAC AH OO LAGA SOO SAARAY SHIRKA BAQDAAD.