DILKA TALIYE XUJAALE MA SHIRQOOLBAA MASE DIL KAMA AH?

(SAWIRKA)-TALIYE XUJAALE IYO ASKERIGII DILAY.

(MOQOKORI)-Gaashaanle Sare, C/raxmaan Salaad Maxamed Xujaale oo ahaa Taliyihii Guutadda 26-aad ee Qebta 27-aad ee Ciidamadda Gaarka ah ee Khaalid Bin Waliid ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay galabta inta u dhaxeysa degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori ee Gobaladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Gaashaanle Sare, C/raxmaan Salaad Maxamed Xujaale ayaa waxa uu haystay Ciidamadda Gaarka ah ee Khaalid Bin Waliid ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee Aaga degmooyinka Maxaas iyo Moqokori ee Gobalka Hiiraan. Sidoo kale, Gaashaanle Sare, C/raxmaan Salaad Maxamed Xujaale, ayaa waxaa dilay Askari ka mid ah Askarta ka tirsan Ciidamadda Khaalid Bin Waliid isaga oo Madaxa kaga dhuftay Xabbad dhashiike ah mar uu Taliyuhu Askar dhaawac ah uu Ambulance saarayay. Askerigii dilka gaystay, ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Xasan Axmed oo reer ahaan ka soo jeeda Beesha Xawaadle kaasoo gacanta lagu dhigay waxaana haatan laga dhoofiyay Garoonka Diyaaradaha Degmadda Buula-burte waxaana loo qaaday gacan ku dhiiglaha iyo meydka Taliye Xujaale Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho. Dhanka kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon karo oo dhanka Ammaanka ah, ayaa Warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Gaashaanle Sare C/raxmaan Salaad Maxamed Xujaale lagu dilay Shirqool abaabulan balse dilkiisa ineysan ka dambayn Maleeshiyadda Kooxda AL-shabaab ee uu Taliye Xujaale dagaalka adag kula jiray. Gaashaanle Sare, C/raxmaan Salaas Maxamed Xujaale oo Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya ka mid ahaa in badan, ayaa waxa uu ka soo jeedaa reer ahaan degmadda Fiilto ee Gobalka Liibaan ee dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaana la filayay oo la rabay in dhawaan loo dalacsiiyo ama loo magacaabo xilka Taliyaha Qeybta 27-aad ee Gobalka Hiiraan kaasoo hoos imaanaysa Seddex guuto. Si walba ha'ahaate, illaa iyo haatan kama eysan hadlin laamaha kala duwan ee dhanka Ammaanka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana si rasmi ah loo ogayn sababta keentay in Askariga uu dil u gaysto Taliyihiisa. Dhinaca kale, bishii hore ee Abriil ayey ahayd markii la dilay Taliyihii Guutada 14-aad G/sare.Nuur Fareey taaso fadhigoodu yahay G/Shabeeladda Hoose gaar ahaan degmada Afgooye taliyaha ayaa waxaa dilay nin lagu soo dhex qariyey ciidamada uu taliyaha u yahay G/sare.Nuur Fareey waxa uuna toogtay markii uu taliyuhu ka soo baxay teendhadii uu degay,ilaaladda taliyaha ayaa iyagana toogtay ninkii geystay dilka taliyaha kaaso la sheegay inuu ka tirsanaay kooxda Alshabaab ee ka hawlgasha G/shabeeladda hoose. Dahcdooyinkaan soo noqnoqday ayaa ah kuwa aad u xanuun badan eyna ku baxayaan saraakiil Qarankooda ka xoreyneysa Cadawga Alshabaab. Sida ey sheegeen dadka degaanka, Taliyeyaasha CXDS ee hadda ku haray degaanada H/shabeele gaar ahaan G/hiiraan ayaa waxaa ka mid ah BAAKAAY iyo HADLAAYE.

ISHA-SB-MEDIA.


Previous
Previous

HALYEY CABDI GOOMEEY OO KU GEERIYOODAY DAGAALKII MAANTA

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA 34-AAD EE MADAXDA CARABTA.