HALYEY CABDI GOOMEEY OO KU GEERIYOODAY DAGAALKII MAANTA

(SAWIRKA)-SHAHIID CABDI GOOMEEY OO TIRSANAYA LACAGTII UU SIIYEY CALI JEYTE.

(HIIRAAN)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in degaanka lagu magacaabo Ceel-Hareeri uu maanta ka dhacay dagaal adag una dhexeeyey Xoogaga Xaq u dirirka ah ee reer Hiiraan iyo kooxda Alshabaab,sida la sheegay dagaalka ayaa ahaa mid culus dhawr jeerna la isku noqday. Dagaalka maanta dhacay ayaa waxaa ku baxay halyeeyey reer Hiraan ey xusuusan doonaan laguna magacaabo Cabdi Yuusuf Salaad kuna magac dheer “Cabdi Goomeey”. Sida la wada xusuusto Halyey Cabdi Goomeey ayaa laba sano iyo bar ka hor waxa uu ka soo muuqday Barxadda weyn ee Ceel-Weyne ee degmada Maxaas isaga oo halkaasi lagu abaal marinaayo lacag dhan $10-kun oo doolarka Maraykanka ah ka dib markii uu Halyey Cabdi Goomeey uu degmada Moqokori ee G/Hiiraan uu ku soo khaarijiyey maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, xubnaha uu Cabdi Goomeey soo khaarijyey ayaa kala ahaa Madaxii Maaliyadda kooxda Alshabaab ee G/Hiiraan iyo ilaaliyihiisa. Cabdi Goomey ayaa waqtigaas waxaa abaalmarinta gudoonsiiyey Gudoomiyihii hore ee G/Hiiraan hadana ah Madaxa Macaawiisleyd DFS Md.Cali Jeyte Cismaan. Dhianac kale,dagaalka Moqokori,waxa iyana ka hadlay kooxda Alshabaab waxa eyna ka sheegteen guul balse ma eysan soo bandhig hal meyd oo ka mid ah dadka ey sheegeen iney dileen amaba ey qabteen,waxa eyna taasi muujineysaa in kooxda looga itaal roonaaday dagaalka G/Hiiraan dhabarkan loo saaray jab eysan ka soo waaqsan karin.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

WAX KA OGOW TAARIKHDA QARAXYADA EE XERADA GEN.GORDON.

Next
Next

DILKA TALIYE XUJAALE MA SHIRQOOLBAA MASE DIL KAMA AH?