MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY CAASIMADDA CIRAAQ EE BAQDAAD.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-SUDANI.

(BAGHDAD)-Ra'iisul Wasaaraha Dalka Ciraaq md.Mohammed Shayaac AL-Sudani ayaa Jimcaha maanta ah xaqiijiyay, in la sameeyay dhammaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo guusha Shir Madaxeedka Carabta. Xafiiska Warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ey heshay Wakaaladda Wararka ee Ciraaq (INA): “Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Shayaac AL-Sudani ayaa maanta oo Jimce ah la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo u soo gaaray Baqdaad si uu uga qeybgalo Shir Madaxeedka 34-aad ee dalalka Carabta, kaasi oo berri oo Sabti ah ka furmaya magaalada caasimadda ah ee Baqdaad”. "Ra'iisul Wasaaraha Maxamed Shayaac AL-Sudani wuxuu xaqiijiyay in dhammaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah la sameeyay si loo xaqiijiyo guusha shir Madaxeedka Carabta iyo in la soo saaro go'aamo u dhigma miisaanka caqabadaha Carabta iyo Gobolka iyo horumarka," ayaa lagu daray bayaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa rajo ka muujiyay in uu guul ku soo dhamaado shir Madaxeedka ka furmay magaalada Baqdaad, isagoona tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ey diyaar u tahay iney sare u qaaddo iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, gaar ahaan marka la eego hantida dalka iyo kheyraadka dabiiciga ah, si ey uga faa’iideystaan ​​labada dal.

ISHA-INA.

Previous
Previous

BAYAAN HORDHAC AH OO LAGA SOO SAARAY SHIRKA BAQDAAD.

Next
Next

TURKIGA,IMAARAATKA IYO PUNTLAND OO KU LUG LEH DAGAALKA DALKA SUDAN.