TURKIGA,IMAARAATKA IYO PUNTLAND OO KU LUG LEH DAGAALKA DALKA SUDAN.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASH TURKIGA IYO IMAARAATKA.

(SUDAN)-Duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Suudaan waxay daaha ka rogeen xifaaltanka sii xumaanaya ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, kuwaas oo taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka socda tan iyo Abriil 2023. Saraakiil ka tirsan dowladda Suudaan oo taageerto ciidamada Qaranka Sudan ayaa muddo bilo ah daawanayay ciidamada Rapid Support Forces (RSF) oo duulinaya diyaarado xamuul ah gudaha iyo banaanka Garoonka diyaaradaha ee Nyala ee Koonfurta Daarfuur muddo bila ah. Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa dhowr jeer la beegsaday garoonka, iyagoo ka shakiyay in Imaaraatka Carabta uu adeegsanaya shabakado Saldhigyada cirka ah ee gobolka oo ey ku jiraan mid Uganda iyo mid ka mid ah maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ey u adeegsan jireen iney RSF ku siiyaan hub casri ah, diyaarado hubeysan iyo rasaas. Tuhunnadaas waxaa xaqiijiyay kormeerayaal dibadda ah, oo uu ku jiro Yale's Humanitarian Research Lab, kaas oo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu sameeyay "oo waafaqsan FH-95" oo ey Imaaraadku soo iibsadeen lagu duuliyay Nyala. Toddobaadkii hore, Amnesty International  waxay ogaatay in Imaaraadku u dirayo Darfur hub lagu farsameeyo Shiinaha, oo ey ku jiraan GB50A bamboyin-ka la hago iyo 155mm AH-4 howitzers, in kasta oo ey Qaramada Midoobay cunaqabatayn hubka ah saaran tahay. Imaaraatka ayaa sii waday iney beeniyaan iney lug ku leeyihiin, afhayeen u hadlay ayaa yiri: "Imaaraadku waxa ey xaqiijinayaan mowqifkooda joogtada ah oo cad: in eysan hub iyo taageero militari siineynin dhinacyada isku haya Suudaan."

Horaantii sanadkan, Ciidamada Sudan  waxay u rogtay dagaalka dhinaceeda, waxayna dib ula wareegtay caasimadda Khartoum, waxay jabisay go’doominta magaalada istiraatiijiga ah ee EL-Ubeyd, waxayna la wareegtay qaybo kale oo ka tirsan Bartamaha iyo Koonfurta Suudaan, iyagoo kaashanaya TB2 Bayraktars, diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Turkiga ayaa la geeyay Suudaan sannadkii hore. 3-dii Maajo, diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, oo ey maamulaan dad Turki ah oo ka barbar dagaallamaya ciidanka Suudaan ee Port Sudan, ayaa ku weeraray diyaarad xamuul oo milateri ah garoonka Nyala. Diyaaradda ayaa looga shakiyay iney sidday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno “is-miidaaminta”, rasaasta iyo hababka raadaarka militariga. Iyadoo saraakiisha Sudan iyo saraakiisha ciidamada ey u dabaaldegayeen guusha weeraraka Drones-ka, ma aysan ogeyn iney sidoo kale kicisay xiisad u dhexeysa Turkiga iyo Imaaraadka oo aan la arag tan iyo 2021-kii. Ilo-wareedyo maxalli ah oo Suudaan ka tirsan oo dhacdadan xog-ogaal u ah ayaa Wargayska (Middle East Eye) u sheegay in weerarka Nyala lagu dilay ama lagu dhaawacay shaqaale badan oo ka tirsan RSF-ta, iyo sidoo kale muwaadiniin Ajnabi ah sida Imaaraatka, kuwaas oo la keenay cisbitaalka Turkiga ee magaalada. Warbixin maxalli ah ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 70 ka tirsan dagaalyahannada RSF oo u socday in lagu daweeyo meel ka baxsan Suudaan, sidoo kale waxaa ku dhintay 18 Ajaanib ah oo ey ku jiraan ciidamo Yurub, Afrikaan iyo Carab ah. Duuliyeyaal u kala dhashay dalalka Kenya iyo South Sudan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa iney ku dhinteen, sida ey ku warantay warbaahinta gudaha. Calooshood u shaqeystayaal u dagaallama RSF-ta ayaa hadda jooga Sudan, sida ey Wargayska (MEE) u sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, kuwaasoo laga soo duuliyey ama laga dhoofiyey Afrika, iyadoo la sii marinayo Boosaaso, oo ah dekedda Puntland ee Soomaaliya.

WEERAR LAGU QAADAY PORT SUDAN:

Jawaabta weerarkii Nyala ayaa timid maalin ka dib. Muddo saddex maalmood ah, ayaa duqeymo isdaba joog ah oo sax ah lagu garaacay magaalada Port Sudan, halkaas oo ey dowladdu fadhiday tan iyo markii uu dagaalku ka dhacay Khartoum sannadkii 2023-kii. Gegida diyaaradaha kaliya ee caalamiga ah ee Suudaan ayaa waxyeelo soo gaartay, sidoo kale waxaa waxyeelo soo gaartay oo burburay diyaarado Mileteri, qeybta Koonfureed ee dekedda oo ah albaabka ugu weyn ee Gargaarka Bini’aadantinimo uu ka soo galo Suudaan iyo hoteel ey ku sugnaayeen diblomaasiyiin Sacuudi iyo Masar ah. Dabka oo billowday ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn y duqeeyeen bakhaaro shidaal oo ku yaalla magaalada ayaa socday maalmo, iyadoo cirka sare ee Port Sudan uu qiiq isku bedelay. Magaaladu waxa soo food saartay mugdi madow ka dib markii xarun koronto oo wayn lagu dhuftay. Iskuullada, rooti dubista iyo adeegyada kale ee deegaanka ayaa xiran. "Dhaawaca loo geysto kaabayaasha muhiimka ah ee rayidka ah sida garoomada diyaaradaha aan militariga ahayn iyo xarumaha korontada ayaa carqaladeeya dadaallada tabaruceyaasha ah ee lagu caawinayo bulshadayada dhibaateysan, waxayna abuurtaa caqabado badan oo lagu bixinayo cunto, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad," Aida Elsayed Abdallah, xoghayaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Suudaan, ayaa u sheegtay Wargayska(MEE).  Ilaha diblumaasiyadeed ee Suudaan iyo Yurub ayaa sheegay in jawaabta ey qorsheysay oo ey fulisay Imaaraadku, balse aysan ahayn hoggaanka RSF, inkasta oo Abu Dhabi ey si adag u cambaaraysay duullaanka. Labo ilo oo xog ogaal u ah weeraradan ayaa Wargayska (MEE) u sheegay iney dhaawaceen dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda farsamada Turkiga ee ku sugneyd goobta oo gacan ka siineysay howlgalada ey wadaan ciidamada Sudan. Axadii, wax aan dheerayn ka dib markii weeraradii ugu horeeyey lagu garaacay Port Sudan, Turkigu waxa uu u soo diray diyaarad ambalaas ah si uu u soo qaado bukaanada. RSF si cad uma aysan sheegan mas'uuliyadda weerarada. Imaaraadka ayaa si deg deg ah u cambaareeyay. Hase yeeshee dowladda Suudaan ayaa xiriirka u jartay Abu Dhabi wixii ka dambeeyay. 

DAGAALKA GOBOLKA:

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay baarlamaanka UK Isniintii, Babikir Elamin, oo ah Safiirka Suudaan ee UK, ayaa sheegay in RSF "iyo kafaala-qaadeheeda dibadda, UAE, ey si madax-adayg ah u fulinayaan ajandahooda aan sharciga ahayn iyo danaystenimada, ilaa heer ey ka shaqeeyaan Arxan-darrada iyo Argagixisada". 

"Ilaa dhawaan, khilaafkan waxaa lagu tilmaami karaa dagaal wakiilnimo, si kastaba ha ahaatee, waxa uu qaaday waji khatar ah, oo ku wajahan dagaal goboleed, iyada oo Imaaraadku si dirqi ah u qarinayay faragelin toos ah," ayuu yiri El-amin. El-amin waxa uu farta ku fiiqay sahayda Imaaraadka ee “Gawaadhida gaashaaman ee Faransiiska, madaafiicda culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga keeno Serbia, Bulgaria iyo China”, isagoo sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Suudaan ey caawinayaan dad ka baxsan oo uu Turkigu ku jiro. Jawaabta qallafsan ee weerarrada Port Sudan waxaa sal u ah in la aaminsan yahay in laga soo maleegay Abu Dhabi. Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo Suudaani iyo reer galbeed ah ayaa Wargayska (MEE) u sheegay in, ka carooday weerarka cirka ee garoonka Nyala – iyo Turkiga oo u arkay inuu ku lug leeyahay – Imaaraadkuna waxa uu oggolaaday oo hagayay weerarka Port Sudan. "Imaaraatka Carabta waxay u badan tahay iney fuliyeen dhinac walba oo weerarada Port Sudan ah," Jalal Xarshaawi, oo ah saaxiibka Machadka Difaaca iyo Daraasaadka Amniga ee Royal United Services (Rusi), ayaa u sheegay Wargayska (MEE). "Marka waxaan u malaynayaa in Imaaraadku uu hadda ku socdo duulaan shakhsi ah." Waxaa jira laba aragtiyood oo waa-weyn oo ku saabsan halka laga soo duuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Seddex qof oo Suudaaniyiin ah ayaa Wargayska (MEE) u sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Is-qarxinta” ey ka dambeeyeen Imaaraadku, lagana yaabo iney ka soo duuleen Boosaaso. Goob joogayaal ku sugan magaalada Port Sudan ayaa sheegay iney arkeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah oo ka imaanaya dhanka badda cas. Laakiin ilo kale oo Suudaani ah iyo falanqeeye milatari oo reer galbeed ah ayaa sheegay iney rumaysan yihiin in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ey ka yimaadeen Gobolka AL-Malha oo ey RSF maamusho ee Waqooyiga Darfur, una dhow xudduudda Liibiya

XIISADDA TURKIGA IYO IMAARAATKA:

Weerarkii lagu qaaday magaalada Port Sudan oo hadda ah caasimadda rasmiga ah ee dalkaas, horayna uga mid ahayd meelaha ugu ammaanka badan Suudaan, laguna burburiyay hangaro ciidan oo laga yaabo iney ku xirnaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, ayaa xiisad ka dhex abuurtay Turkiga iyo Imaaraadka. Abu Dhabi waxaa hore uga xumaaday ku lug lahaanshaha Turkiga ee dagaalka. Ilo-wareedyo badan oo ku sugan magaalada Ankara ayaa rumeysan in xogta weyn ee uu faafiyay wargeyska Washington Post bishii March, taasoo banaanka soo dhigtay xogta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo si weyn uu Turkiga uga iibiyay Suudaan, inuu ahaa howlgal Imaaraatka lagu Jabsaday. Warbixinta oo aad loo faahfaahiyay ayaa waxaa ku jiray fariimo kala duwan oo ey u kala direen mas’uuliyiinta shirkadaha Turkiga ee fadhigoodu yahay Suudaan iyo kuwa Turkiga ku laabtay, kuwaasoo ey ku jiraan xog gaar ah sida tafaasiisha qandaraasyada. Ma ahan markii ugu horeysay oo Imaaraadka iyo Turkiga ey is khilaafaan. Faragelinta Turkiga ee Liibiya oo bilaabmaysa 2020 ayaa sidoo kale iska horkeentay labada waddan, iyadoo Ankara ey taageertay dawladda Liibiya oo ey Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay galbeedka, Imaaraadkuna wuxuu taageeray ciidammada Liibiya ee Khalifa Haftar ee Bariga.  Ciidamada Haftar ayaa qeyb ka ahaa saadka ey Imaaraadku ku kafaala qaadi jireen RSF Sudan, halka dowladda Turkiga ey u suurtagashay iney iska caabiso duulaanka Haftar, waxaana taas uga mahadcelineysa isla diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga oo ey maamusho Xukumadda Suudaan, kuwaas oo ah TB2 Bayraktars. FIDAN OO LA KULMAY BIN ZAYID: 5tii Maajo, iyadoo diyaarado aan duuliye lahayn ey ku da'ayeen Port Sudan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ku sugnaa Abu Dhabi, isagoo la kulmaya Mohammed bin Zayed, oo ah hogaamiyaha Imaaraadka Carabta. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo ku saabsan wada-hadallada, waxaa loo qorsheeyay in la yareeyo xiisadda. Ilo ka tirsan Turkiga ayaa Wargayska (MEE) u sheegay in Ankara ey markii hore isku dayday iney dhex dhexaad ka noqoto dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo RSF, kaasoo ey ku dhinteen kumannaan qof, isla markaana ey Qaramada Midoobay ku tilmaantay masiibadii bini'aadantinimo ee ugu weyn caalamka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sanadkii hore xitaa u soo jeediyay taliyaha ciidamada Sudan General Abdel Fattah AL-Burhan inuu dhexdhexaadiyo wadahadal dhexmara Sudan iyo Bin Zayed. Si kastaba ha ahaatee, warku wuxuu intaas ku daray, markii Imaaraadku bilaabay inuu hubeeyo RSF-ta, Ankara waxay sidoo kale go'aansatay iney ka hortagto kooxdan iyadoo la hubaynayo ciidamada Suudaan. Labada dhinac ee ku dagaalamaya Suudaan ayaa geystay xasuuq. Mareykanka iyo Hay’adaha xuquuqul Insaanka ayaa go’aamiyay in RSF ey xasuuq ka geysatay Gobolka Darfur, halkaasoo bulshada Masalit ey xasuuqyo kala duwan u gaysteen kooxaha hubaysan. "Waqtigan xaadirka ah, Imaaraadku waxa uu bixinayaa hub badan," Ilaha Turkiga ayaa yiri. "Imaaraadku wuxuu si adag u diidayaa soo jeedinta ah iney hub siiso cid kasta oo ku lug leh colaadda ka socota Suudaan," Salem Aljaberi, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UAE, ayaa ku yiri qoraal lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter.

ISHA-MEE.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY CAASIMADDA CIRAAQ EE BAQDAAD.

Next
Next

HAADI MADHAR OO LAGU XUKUMAY 25-SANO OO XARIG AH.