MW-XASAN SHEEKH OO DHAGAX DHUGAY XARUN CUSUB EE WASAA…
(SAWIRKA)-DHAGAX DHIG.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta, intii lagu guda jiray xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, taas oo dib-u-dhis lagu sameyn doono, iyadoo dhismaha loo naqshadeeyay qaab casri ah. Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha ku wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo ey ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir. Dhismahan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ey ugu jirto horumarinta adeegyada ey helaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kor u qaadista kaabeyaasha isboortiga, iyo xoojinta doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka. Waa markii ugu horeysay tan iyo burburkii 1991-dii in duib loo dhiso xarunta waqtigaan ugu muhiimsan Soomaaliya ee ah Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS,waxaane intaas dheer oo loo baahanyahay in si hagar la’aan ah loo dhiso dhammaan qeybaha waa weyn ey ka kooban tahay Wasaaradda oo aan helin wax adeeg ah oo kaga yimid Xukuumadihii dalka isaga dambeeyey. Xiriirka Olombikada Soomaaliyeed GOS oo ey hoos yimaad dhammaan Xiriiradda kale duwan ayaa isna ah halka u baahan in wax weyn laga qabto si loo sii horumariyo shaqada muhiimka ah ee Wasaaradda qabto.
ISHA-SNTV.