KUFSI KA DHACAY CAASIMADDA PUNTLAND EE GARAWE.

(SAWIRKA)-KUFSI.

(GARAWE)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si xawli ah uga socday hadal haynta Kufsi ka dhacay magaaladda Garawe ee caasimadda u ah Dawlad Goboleedka Puntland. Kufsiga ayaa loo geystay laba gabdhood oo walaala ah laguna kala magacaabo Siciido Maxamed Weynaade oo 8-jir ah iyo walaasheed ka yar Faadumo Maxamed Weynaade oo 7-jir ah,sida ey Hooyadood Ixsaan Fiidaw u sheegtay warbaahinta madaxa banaan, labadaan gabdhood ayaa xoog u ahaa qoyska hooyo Ixsaan oo aabihii caruurta dhalay uu dayacay sideey sheegtay, gabdhaha ayaa magaaladda Garawe ka ahaa Caseeyeyaal ku shaqeysta xirfadaas,kharashkii ka soo galana waxa ey dib ugula noqon jireen qoyskooda. Sida ey sheegtay Hooyo Ixsaan, gabdhaha ayaa waxaa baabuur ku qaatay nin u beensheegay kaaso ku yiri “Waxaan idin geynayaa gurigiina ee gaariga soo raac ka dibne banaanka magaaladda Garawe ku Kufsaday”. Ciidanka booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal oo kaashanaayo Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane Sharma’arke Xuseen Yuusuf oo 31-jir ah ina Ubax Cismaan Jaaji kuna dhashay kuna nool Garawe,laguna soo eedeyey inu Kufsi u geystay laba gabdhood oo ka soo jeedo Qoys danyar ah. Booliska Garawe ayaa sheegay in falka Kufsiga uu dhacay 11-kii bishaan abaarihii 10-kii subaxnimo waxa uuna ka dhacay agagaarka xaafadda Booreey ee magaaladda Garawe,eedeysane Sharma’arke ayaa laga soo qabtay meel u dhaw Dawladda Hoose ee magaaladda Garawe eedeysanaha ayaa lagu xiray saaldhiga Galbeed ee Garawe waxaane ku socdo baaritaan. Taliyaha Waaxda Dembi Baarista ee Booliska Puntland Md.Axmed Cumar Cabdi ayaa sheegay in Hayaddo iyo NGO-yo iney ka dambeeyaan Kufsiga ka dhaco degaanada Puntland, arrintaan ayaa waxaa ka jawaabay Hayadda PUNSAA ee Puntland oo tiri”Wareysiga uu bixiyey taliye Axmed Cumar Cabdi Hogaanka Baarista dembiyadda ee Puntland ee ah iney Hayaddo iyo NGO-yo ey ku lug leeyihiin Kufsiyada ka dhaca Puntland, waa eedeyn iyo tuhun weyn oo bulsho dhan ku dhacay. Si looga fogaado eed wadareed iyo magac dil si guud loogu geysto samafalayaal aan dembi gelin taliyaha cadeyn buuxda ayaa looga fadhiyaa iyo soo bandhigid xogta uu sheegay inuu haayo ee ku saabsan Hayaddaha iyo shaqsiyaadka dembigaan jariimada weyn geystay galay. Waxaan u aragnaa Kufsiga loo geystay caruurta yar yar ee walalaha ah iyo dhacdo kasta oo Kufsi ahba waa waxaan loo dulqaadan karin waane in talaabo sharci ah oo adag laga qaado cid walba oo ku lug yeelata”.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

HAADI MADHAR OO LAGU XUKUMAY 25-SANO OO XARIG AH.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO DHAGAX DHUGAY XARUN CUSUB EE WASAA…