GUDOOMIYE ADEN MADOOME OO LA KULMAY GUDIGA JOOGTADA AH.
(SAWIRKA)-GUDIYADDA GOLAHA SHACABKA.
(MUQISHO)-Kulanka Guddiga Joogtqda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Frderaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeya, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay Howlaha Golaha gaar ahaan shuruucda ey muhiim tahay inuu Goluhu ka howlgalo inta ka dhiman kalfadhigan lixaad. Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddiga walba warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u dhiman, waxaana ugu dambeyn Ajendeyn iyo Jadwaleynba lagu sameeyay Ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga kula dardaaramay dardargelinta howlaha Golaha Shacabka, maadaamaa uu gabogabo yahay kalfadhiga lixaad ee Golaha.
ISHA-SNTV.