MARAYKANKA OO DIGNIIN KA SOO SAARAY U SAFARKA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-CALAMADA SOOMAALIYA IYO MARAYKANKA.
(USA)-Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka shalay oo Arbaca ahayd ayaa cinwaan looga dhigay “Waxaa la Cusbooneysiiyey Isbedeladda Xogta Amniga”. Ha u safrin Soomaaliya sababo la xiriiro Dembiyadda, Argagixisada, Kacdoonka Shacabka, Caafimaadka, Afduubka, Burcadbadeednimo iyo la’aanta Adeegyadda Qunsuliyadda ee Caadiga ah.
GUUD MARKA DALKA:
Khatarta dhanka amaanka ah awgeed,shaqaalaha dawaladda Maraykanka ee ka shaqeeyo Soomaaliya waxaa laga mamnuucay iney u safraan banaanka dhismaha Garooka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ey ku taalo Safaaradda Maraykanka. Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa si caadi ah u wado shaqadeeda.
DEMBIYADDA: Dembiyadda Rabshadaha wata ayaa ku badan dalka Soomaaliya oo dhan, sida afduub iyo dil, waxaane baahsan Isbaarooyin sharci darra ah. Qoraalkan oo ah mid aad u dheer ayaa taabanayo qeybo fara badan oo khuseeya arrimaha Soomaaliya,waxa uuna Mawaadiniinta Maraykanka uga digayaa in dalka Soomaaliya waqtigaan yahay halis eyna haboon tahay in laga feejignaado. Qodobadda Qoraalka lagu xusay ayaa waxaa ugu muhiimsanaay: “Dembiyadda, Argagixisada, Kacdoon Shacab, Caafimaad, Bucad Badeed, Afduub, Adeeg La’aanta Qunsuliyadda Maraykanka iyo Arrimo kale”.
ISHA-US.