MW-XASAN SHEEKH OO BEENIYEY HADLAKII KA SOO YEERAY DENI.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ama wada-shaqeyn ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, isaga oo eedeymaha sheegaya in dowladda dhexe ay ka abaabulayso qalalaase Puntland ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn. Khudbad ka uu jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wasaaradaha dowladda federaalka iyo kuwa Puntland aysan wada shaqeyn, isla markaana xiriirka labada dhinac uu gebi ahaanba hakad ku jiro. “Waxba kama jiraan eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo fitno laga hurinayo Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha ah in dowladda federaalka ay ciidamo ama maleeshiyaad ka abaabulayso Muqdisho si ay uga hawlgalaan Puntland. Wuxuu sheegay in askarta laga qoray deegaannada Puntland ay muddo bilo ah ka tirsanaayeen ciidamada dowladda, mushaharna ay si joogto ah u qaadanayeen, isaga oo xusay in aysan ku lug yeelan falal amni-darro ama qalalaase. Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay hoggaanka Puntland in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha jira.
ISHA-HOL.