DUQA MAGAALADDA ST.LUIS PARK/MINNESOTA NADIYA OO MUQDISHO LAGU SOO DHAWEEYEY.

(SAWIRKA)-DUQA MAGALADA ST.LUIS PARK NADIA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Nadia Mohamed, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku timid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cabdulle. Soo dhoweynta Nadia Mohamed waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaanno, mas'uuliyiin heer federaal iyo heer gobol, waxgaradka Muqdisho iyo kooxda fanka ee Barbaarta Gaashaaman. Nadia Mohamed ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, Muslim ah isla markaana madow ah oo loo doorto xilka duqa magaalada St. Louis Park. Mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay doorashadeeda mid ka tarjumaysa kororka doorka ay qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin hoggaaminta, adeegga bulshada iyo matalaadda siyaasadeed ee caalamka.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

URURKA MIDAWGA OO KA HADLAY HAWLGALADA AU EE SOOMAALIYA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO BEENIYEY HADLAKII KA SOO YEERAY DENI.