URURKA MIDAWGA OO KA HADLAY HAWLGALADA AU EE SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-GUOOMIYAHA AU-DA.
(ADDIS ABABA/ET)-Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray la-taliyeyaasha militariga ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), ka dib markii Mareykanku uu si rasmi ah u sheegay in uusan taageeri doonin sii socoshada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya dhammaadka howlgalka hadda socda ee AUSSOM, oo ku eg 31-ka Diseembar 2026. Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Guddiga Midowga Afrika, kuna taariikhaysan 2-da Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in Ergada Mareykanka ee Midowga Afrika ay 1-dii Luulyo gudbisay qoraal rasmi ah (Note Verbale) oo lagu caddeeyay in Washington aysan taageeri doonin kordhinta taageerada UNSOS wixii ka dambeeya muddada oggolaanshaha AUSSOM. Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in go'aankaasi uu yeelan karo saameyn ballaaran oo ku saabsan joogtaynta saadka, qaabka hawlgallada iyo maalgelinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, maaddaama howlgalka uu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada saadka ee Qaramada Midoobay. Sida ku cad warqadda, kulan aan caadi ahayn ayaa lagu wadaa in lagu qabto xarunta Julius Nyerere Building ee Addis Ababa si looga arrinsado mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo. Mareykanka ayaan diiddanayn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo muddo xileedka AUSSOM, balse waxa uu kasoo horjeedaa in la sii wado taageerada saadka iyo hawlgalka ee ay Qaramada Midoobay bixiso. Dhinaca kale, Midowga Afrika (AU) ayaa ka digay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajihi karo caqabado amni iyo saadka ah oo culus, kadib markii Mareykanku si rasmi ah u xaqiijiyay inuu joojinayo taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) laga bilaabo 31-ka Diseembar 2026. Warsaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo ay yeesheen La-taliyeyaasha Militari ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in joojinta taageerada UNSOS ay halis gelin doonto awoodda howlgalka AUSSOM ee dhinacyada saadka, daad-gureynta dhaawacyada (MEDEVAC), shidaalka, biyaha, raashinka iyo gaadiidka cirka. Warbixintu waxay muujisay in miisaaniyadda taageerada saadka ee UNSOS ay gaareyso $502 milyan, halka miisaaniyadda sannadlaha ah ee AUSSOM ay tahay $190 milyan, taasoo ka dhigaysa taageerada UNSOS laf-dhabarta howlgalka. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ka digay in haddii aan la helin hannaan cusub oo lagu beddelo taageerada UNSOS, ay sii kordhi karto nuglaanta magaalooyinka istaraatiijiga ah, ay yaraan karto awoodda gurmadka caafimaadka, isla markaana ay kooxda Al-Shabaab ka faa'iideysan karto farqiga ka dhasha howlgalka.
ISHA-HOL.