TOOGASHO XALAY KA DHACDA DHISMAHA EDINA EE MINNESOTTA.

(SAWIRKA)-AMBULANCE.

(MINNESOTA/USA)-Toogasho ka dhacday dhismaha la degan yahay ee Edina ee Gobolka Minnesota, ayaa habeenkii xalay oo Khamiis ahayd waxaa si xun loogu dhaawacay hal qof kaaso loola cararay isbitaalka, sida uu sheegay booliska. Waaxda Booliska Edina ayaa sheegtay in toogashadu ay dhacday abbaare 10:30 habeenimo dhismaha 7200 ee York Avenue South. Dhinaca Waqooyi ee York ayaa xirnaa inta u dhaxaysa Hazelton Road iyo West 72nd Street muddo ku dhow afar saacadood iyadoo booliisku ay halkaasi ka wadeen baaritaan waane halka ey boolisku ka soo heleen dhibanaha dhaawaca ah,looma soo qaban cidna. Booliisku ma aysan ogeyn xaaladda cusub ee dhibbanaha ilaa subaxnimadii Jimcaha maanta ah. Weli lama helin booliskuna ma uusan dheegin dhibanaha magaciisa. KALA SOCO WIXI SOO KORDHA HALKAN.

ISHA-CBS/MINNESOTA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO BEENIYEY HADLAKII KA SOO YEERAY DENI.

Next
Next

MARAYKANKA OO KALA BAXAY CIIDAMADIISA GALBEEDKA AFRIKA.