MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO UBAX DHIGAY TAALADDA DHAGAX-TUUR.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO GUDOOMIYE MUUNGAAB.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xoriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay in Taallada Dhagax-tuur ey tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loosoo galay gobanimada dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jacaylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo himmilooyinkii Awooweyaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan. Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo qaybaha bulshada caasimadda Muqdisho.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

HOGAAMIYEYAASHA PUNTLAND IYO JUBALAND OO SOO SAARAY WAR…

Next
Next

DHAC IYO BILILIQO LOO GEYSTAY GOOBO GANACSI OO KU YAALO KENYA.