DHAC IYO BILILIQO LOO GEYSTAY GOOBO GANACSI OO KU YAALO KENYA.
(SAWIRKA)-GOOBIHII GANACSIGA EE LA GUBAY.
(NAIROBI)-Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyo ka dhacay Kenya Arbacadii, Hayadda “Amnesty International” ayaa sheegtay Khamiista maanta ah,iyadoo ganacsiyada iyo dadka deegaanka looga tagay si ey u nadiifiyaan burburka ka jira caasimadda iyo meelo ka baxsan. Mudaaharaadyada ayaa lagu baaqay in la xuso hal sano tan iyo markii mudaaharaadyadii canshuuraha looga soo horjeeday ey gaareen markii dadweyne aad u fara badan ey gudaha u galeen baarlamaanka, tobanaan kalena ey dileen ciidamada ammaanku. Dibad-baxyada sannad-guurada ayaa si nabad ah ku billowday Arbacadii balse waxay ku soo daateen qalalaase ka dib markii rag dhallinyaro ah ey la dagaallameen booliiska, dab qabadsiiyeen, oo ey jeex-jeexeen waddooyin ey u adeegsadaan sidii madfac. "Wixii shalay dhacay ma ahayn mudaaharaad, waxay ahayd Argagixisanimo oo loo soo ekeysiiyay mucaarad," Kipchumba Murkomen, Xoghayaha arrimaha gudaha ee Golaha Wasiirrada, ayaa ku yiri khudbad laga sii daayay taleefishinka. "Waxaan canbaareyneynaa kooxaha qaswadayaasha ah ee magaca mudaaharaad nabadeed ku furtay mowjado rabshado, dhac, faraxumeyn iyo burbur ku ah dadkeena," ayuu raaciyay. Xaafadda ganacsiga ee magaalada Nairobi oo ah xuddunta qalalaasaha ayaa weriyeyaasha AFP waxay heleen dhammaan xarumo ganacsi iyo kumannaan ganacsi oo burburay, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ey weli qiiqayaan. Ugu yaraan laba bangi ayaa la jabsaday, halka meherado ganacsi oo u dhexeeya dukaamada waa-weyn iyo dukaamada yar-yar ee elegtarooniga ah iyo dukaamada dharka laga dhigay dambas ama ey dhaceen tuugo. "Markii aan nimid waxaan ogaannay in dhismaha oo dhan uu gubtay," ayuu yiri Raphael Omondi, oo 36-jir ah, milkiilaha dukaan wax lagu daabaco, isagoo intaas ku daray inuu waayay mashiinno qiimahoodu dhan yahay $150,000. "Waxaa jiray niman wax xadaya, ka dib markii ey wax xadeen, waxay dab qabadsiiyeen dhammaan dhismaha ... Haddii tani ey tahay mudaaharaadku, ma aha wax u qalma." "Waxay bililiqeysteen wax walba...ma garanayo meel aan wax ka bilaabo," ayay tiri Maureen Chepkemoi, 32, milkiilaha dukaanka cadarka. "Inaad mudaaharaaddo ma xuma laakiin maxaad u imanaysaa inaad ku mudaaharaaddo gudaha dukaankayga, waa xumaan," ayey raacisay. Dhowr qof oo ganacsato ah ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in bililiqo ey bilaabatay galabnimadii ka dib markii dowlada ey amar ku bixisay in TV-yada iyo idaacadaha ey joojiyaan baahinta muuqaalada mudaaharaadka. "Dhammaantood waxay u dhinteen dhaawacyo rasaas ah" Agaasimaha “Amnesty International” ee Kenya Irungu Houghton ayaa sheegay in dhimashadu ey gaartay 16 qof. Kooxda u dooda xuquuqda Vocal Africa, oo diiwaangelinaysay dhimashada iyo caawinta qoysaska ey saamaysay qolka maydka ee Nairobi, ayaa sheegtay in ugu yaraan afar mayd la keenay ilaa hadda. "Dhammaantood waxay lahaayeen calaamado rasaas ah, marka waxaan ka shakisannahay iney dhamaantood u dhinteen dhaawacyo rasaas ah," ayuu Xuseen Khalid oo madax ah u sheegay AFP. "Waan cambaaraynaynaa isticmaalka xad-dhaafka ah ee xoogga," ayuu yiri. "Waxaan rumeysannahay in booliisku ey is-xakameyn lahaayeen." "Waxaad u soo baxdaa inaad ka mudaaharaadaan dilalka bilayska, wayna dilaan in ka badan." Isbaheysiga kooxaha xuquuqda ayaa horay u sheegay in ugu yaraan 400 oo qof ey dhaawacmeen, iyadoo 83 ey xaaladoodu halis tahay isbitaalka. Waxay diiwaangelisay mudaaharaadyo ka dhacay 23 degmo oo ku yaalla Kenya. Gurmadka deg deg ah ayaa soo sheegay dhaawacyo badan oo rasaas ah, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo warbaahinta maxaliga ah ey sheegayaan in boolisku rasaas ku fureen dibadbaxayaasha, gaar ahaan magaalooyinka ka baxsan caasimadda Nairobi. Waxaa jirta caro xooggan oo ka dhan ah Madaxweyne William Ruto, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo ballan qaaday horumar dhaqaale oo deg deg ah. Dad badan ayaa ka niyad jabsan dhaqaale xumo sii socota, musuqmaasuqa iyo canshuuraha badan, iyo sidoo kale naxariis darada booliiska ka dib markii macalin lagu dilay xabsiga horaantii bishaan.
XIGASHO YAHOO NEWS.