HOGAAMIYEYAASHA PUNTLAND IYO JUBALAND OO SOO SAARAY WAR…

(SAWIRKA)-DENI IYO MADOOBE.

(GARAWE)-Tan iyo marka laga soo bilaabo 23-kii bishaan kuna beegneed Axadii la soo dhaafay waxaa magaaladda Garawe ee caasimadda u ah Dawlad Goboleedka Puntland ku sugnaay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland Md.Axmed Maxamed Islaan(Madoobe). Axmed Madoobe ayaa casuumad ey ka soo shaqeysay Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta waxa uu ka helay dhigiisa Puntland Siciid C/laahi Deni. Hadaba Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa War-murtiyeed ka kooban ilaa 11-qodob waxa ey saaka si wadajir ah uga soo saareen magaalada Garoowe,waxa eyna si adag ugu dhaliileen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay ku takrifalka awoodaha Federaalka si loo cabburiyo maamullada aan siyaasadda la wadaagin Dwaladda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeedka 11-Qodob ah ayaa si gaar ah diiradda u saaray muranka ka taagan maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo labada hoggaamiye ey Dowladda Federaalka ku eedeeyeen iney si sharci-darro ah u faragelisay maamulka hawada, taasoo ey sheegeen in lagu tuntay awoodaha dowlad-goboleedyada. Waxay intaas ku dareen iney cabashadooda si rasmi ah ugu gudbiyeen Hay’adda Duulista Rayidka ee Qaramada Midoobay (ICAO). Madaxweynayaashu waxay sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay Dastuurka Kumeel gaarka ah ee dalka, iyagoo ku adkaystay in isbeddel kasta uu noqon karo mid ku yimaada oo kaliya wadatashi qaran iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

“Isbeddelka Dastuurka wuxuu noqon karaa mid sharci ah oo kaliya haddii uu ku yimaado wadatashi, heshiis qaran iyo oggolaanshaha dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa si buuxda u taageeray dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka madal ey ku mideysan yihiin Siyaasiyiin Mucaarad ah oo u ololeeya doorashooyin hufan, waqtiyadooda ku dhaca, loona dhan yahay. Sidoo kale, labada Madaxweyne waxay ugu baaqeen beesha caalamka iney si toos ah ula macaamilaan Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ilaa laga gaarayo heshiis dhammaystiran oo ku saabsan Qaab-dhismeedka Federaalka, qeybsiga kheyraadka, iyo awoodaha maamulka. Ugu dambeyntii, War-murtiyeedka ayaa digniin u diray Dowladda Federaalka, isagoo sheegaya in haddii laga fureysto dhegaha baaqyadooda, Puntland iyo Jubbaland ey qaadan doonaan go’aanno ku saleysan Dastuuradooda u gaarka ah, si ey u ilaashadaan awoodahooda iyo Madax-bannaanidooda maamul. Marka dib loogu laabto shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ugu dambeeyey ee qabsoomaya Oktoobar-2024-kii waxaa isaga baxay Axmed Madoobe ka dib markii uu si cad u diiday in Dawlad Goboleedyadda Jubaland,H/Shabeelle, G/Mudug iyo Koonfur Galbeed loo sameeyo muddo kordhin hal sano ka dibne la qabto Doorasho Qof iyo Cod ah taariikhdu marka ey tahay Noofembar-2025-ka,waxa uuna si adag ugu dhegay in dalka laga qabto Doorasho dadban,waxa uuna xujo ka dhigtay go’aan ka gaarista arrinta Doorsahada waa iney goobjoog ka ahaadaan maamuladda Puntland iyo SSCkhatumo. Arrinta labadaan Dawlad Goboleed ayaa ah mid ey gadaal ka riixeyso Beesha Caalamka oo dooneysa in Soomaaliya weligeed ahaato dal ey iyagu ka yeelaan sida ey doonaan una jiheeyaan jihada ey iyaga dani ugu jirto. Kooxda C6+ ey dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ka saartay waa tan udub dhexeedka u ah arrimaha cakiran ee Soomaaliya sanooyinki ugu dambeeyey,waxaane arrinkaan ku garab siinaaya dalka Isutaga Imaaraatka Carabta iyo dawladda Kenya.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

IRAAN OO LAGA DILAY SARAAKIIL SAR SARE OO CAAN AH.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO UBAX DHIGAY TAALADDA DHAGAX-TUUR.